Ruto oo ka hadlay Soomaalida iyo baasaboorka Kenya

Image
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay Soomaali badan cabasho ka muujiyeen shuruudaha lagu xiro.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in wax laga badeli doono shuruudaha lagu qaato baasaboorka iyo kaadka aqoonsiga Kenya, si loo fududeeyo in dad badan oo sharci la’aan ah ama ay caqabo haystaan in ay qaataan.

William Ruto ayaa hadalkan ka shanqariyey madal. Balse wuxuu kusoo beegmayaa xili cabasho ay Soomaalidu ka muujiyeen qaabka ay ku helaan laguna xiro shuruudo "waali ah".

Ruto ayaa sheegay in maanafeestadii doorashada uu ku galay ay ku xusan tahay qodobkan, balse uu wadatashi kala samayn doono wasiiro uu ka mid yahay wasiirka difaaca Aadan Barre Ducaale.

"Sharcigeena wuxuu ogol-yahay in aqoonsi muwaadhinimo la siiyo qaxootiga, haddiiba qaxooti sharci la siin karo, ma garanayo wax lagu hor istaagi karo dad muwaadhiniin ah," ayuu yiri Ruto.

Madaxweynaha waxa uu ka jawaabayay cabashooyin Uga yimid bulshada Soomaalida iyo kuwa muslimiinta iyo kuwa raacatada ah oo ku aaddan in dad badan sharci la’aan yihiin.

Tabashadda Soomaalida ayaa waxaa qeyb ka ah in shuruudaha lagu xiro ay yihiin kuwa qaarkood aan la buuxin karin una muuqda in loo diyaariyey in aysan helin baasaboorka.

Dhalinyaro iyo dad tiro badan oo Soomaalida Kenya ah ayaa jira kuwaasoo aanan haysanin aqoonsiga Kibaandhaha loo yaqaano, sababtuna tahay shuruudaha lagu xiro, kuwaas oo aanan lagu xirin qoowmiyadaha kale una arkaan falkan "faquuq".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya iyo Ruushka oo heshiis ka gaaray joojinta qorista muwaadiniinta Kenya ee ciidamada Ruushka

Heshiiskan ayaa imanaya iyadoo Kenya ay walaac ka muujisay wararka sheegaya in muwaadiniinteeda lagu qortay ciidamada Ruushka.

  • Afrika

    31-10-2026

  • 05:16AM

Itoobiya oo si degdeg ah u soo iibsatay diyaarado dagaal xilli ay ka cabsi qabto weerarro dibadeed

Nidaamka difaaca cirka ee S-400 ayaa isna loogu talagalay inuu ogaado oo ka hortago diyaaradaha iyo gantaallada cadowga ee hawada ku jira.

  • Afrika

    29-10-2026

  • 06:56AM