Ruto oo mar kale ka faaloodey Xasan Sheekh iyo Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto oo wareysi bixiyay isaga oo ku sugan New York ayaa ka hadlay qorsheyaashiisa ku wajahan Soomaaliya oo uu sheegay in ay dano badan ka leeyihiin.

Waxaa wax laga weeydiiyay goorta uu soo saari doono ciidamada dalkiisa ka jooga gudaha Soomaaliya, isaga oo ku jawaabay “Waxay kaso baxayaan marka ay soo dhamaystaan dantii halkaasi loogu direy”.

Waxaa la xusuusiyay in 15 sano ay dalkaasi joogeen, balse wuxuu ku adkaystay in weli dantii ay halkaasi u tageen aysan dhammaanin.

Wuxuu sheegay in uu rejo badan ka qabo dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu la kulmay labo jeer tan iyo intii Ruto lasoo doortay bishii Agoosto.

Ruto ayaa ku amaanay madaxweynaha in uu hayo shaqo wanaagsan, mar aan fogeyna jid loo bixin doono Arrimaha Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM