Ruto oo talaabo ka qaadey mas'uuliyiin muran geliyey guushiisa

Image
Afartan mas'uul oo ka tirsanaa guddiga doorashooyinka ayaa si weyn ugu ololeeyay doorasho ku celis ah.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Kenya ayaa Jimcihii shalay wuxuu shaqada ka joojiyey afar ka mid ah mas'uuliyiinta guddiyada doorashada ee qaranka kuwaas oo muran geliyey guushiisii ​​bishii Ogosto.

Ruto wuxuu sheegay in uu fuliyay talaabadan "kadib markii uu tixgeliyey codsiga Golaha Shacbiga iyo isticmaalka awoodda uu leeyahay Madaxa Qaranka iyo Xukuumadda Qodobka 251 ee Dastuurka".

Afarta mas'uul ee ka tirsanaa guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha Kenya waxaa ka mid ah Juliana Cherera, guddoomiye ku xigeenkeeda, iyo saddex xubnood oo kale oo sare.

Ruto waxa kale oo uu sameeyay maxkamad uu guddoomiye u yahay garsooraha maxkamadda sare Aggrey Muchelule si ay u baarto guddiyada oo ay u soo sheegaan xadgudub kasta oo dastuuri ah ama “anshax xumo weyn” oo ay ku kaceen.

Afartan mas'uul ee ka tirsanaa guddiga doorashadda ayaa ku doodey doorashadii Ruto ee 9-kii Agoosto aya hayd mid ka hor imaanaysa xisaabta iyo macquulnimada.

Gelinkii dambe ee Khamiista, Golaha Shacbiga ayaa go’aamiyay in la abuuro warbixin guddi oo soo jeedinaysa xil ka qaadista ama shaqo ka joojinta afarta guddoomiye.

Sida laga soo xigtay Wafula Chebukati, guddoomiyaha guddiga, afarta xubnood ee guddiga ayaa si weyn ugu ololeeyay inay dhacdo doorasho ku celis ah taasoo ay ku guuldareysteen,

Chebukati ayaa xusay in tallaabadaas oo loo arko mid ka soo horjeeda dastuurka iyo sharci-darrada waxayna la mid tahay in lagu dumiyo dastuurka iyo rabitaanka madax-bannaanida ee guud ahaan dadka Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM