Ruushka oo difaacay kaalinta shirkada Wagner ee colaada Sudan

Image
Kooxda Wagner oo haysta calooshood-u-shaqeysteyaal ayaa ka hawlgasha dalalka ay colaaduhu aafeeyeen.

MOSCOW, Russia - Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka, Sergey Lavrov, ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Suudaan ay xaq u leeyihiin in ay helaan adeegga kooxda Wagner oo ah shirkad milatari oo gaar loo leeyahay oo ay taageerto Moscow.

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada Suudaan iyo xoogaga gurmadka degdega ah ee RSF ayaa galay todobaadkii labaad iyadoo in ka badan 400 oo qof ay ku dhinteen in ka badan 4,000 oo kalena ay ku dhaawacmeen tan iyo 15-kii Abriil.

"Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Mali, sidoo kale Suudaan iyo dhowr waddan oo kale, si lamid ah maamullada sharciga ah waxay xaq u leeyihiin in ay helaan adeegyada noocaas ah, waxay xaq u leeyihiin inay sidaas sameeyaan, yaan la iloobin," ayuu Lavrov ku sheegay shir jaraa'id oo uu ku qabtay xarunta Qaramada Midoobay.

Kooxda Wagner oo haysta calooshood-u-shaqeysteyaal ayaa ka hawlgasha Ukraine, Suuriya, Liibiya iyo qaar ka mid ah dalalka Afrika oo ay ku jiraan Mali iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.

Isniintii, xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa ka dhawaajiyay "walaac qoto dheer" oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqyada shirkadda militariga ee dalka ay colaaduhu aafeeyeen.

"Waxay ku sugan tahay dalal badan oo kala duwan, iyo Afrika, waa cunsur, marka ay ku hawlan tahay, si fudud u keenta dhimasho iyo burbur badan," ayuu Blinken ayaa yiri intii lagu jiray shir jaraa'id oo ay si wadajir ah u qabteen dhiggiisa Kenya, Alfred Mutua.

Warbaahinta Mareykanka ayaa todobaadkii hore waxay soo bandhigtey sawirro ay qaadeen dayax-gacmeedyo kuwaasoo muujiyey dhaqdhaqaaqyo ay shirkadda Wagner ku taageereyso falaagadda RSF taasoo dagaal kula jirta milatariga Suudaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM