Rwanda: Dhaqtar loo xukumay xasuuq dhacay isagoo 38-jir ah

Image
Sosthene Munyemana waxaa lagu helay dambiyo ah xasuuq, dambiyo ka dhan ah bini'aadantinimada iyo ka qaybqaadashada shirqool.

NAIROBI, Kenya - Dhaqtar u dhashay Rwanda ayaa Arbacadii maxkamad ku taal magaalada Paris ku xukuntay 24 sano oo xarig ah, kadib markii lagu helay inuu ka qeyb qaatay xasuuqii ka dhacay dalkiisa sanadkii 1994-kii.

Ka dib wada tashi socday ku dhawaad ​​15 saacadood, Sosthene Munyemana, oo 68 jir ah, waxaa lagu helay dambiyo ah xasuuq, dambiyo ka dhan ah bini'aadantinimada iyo ka qaybqaadashada shirqool lagu diyaarinayey dambiyadaas.

Hase ahaatee, Munyemana ayaa waxa uu gabi ahaanba diiday in uu wax khalad ah sameeyay, qareenadiisuna waxa ay sheegeen in uu racfaan ka qaadanayo go’aanka.

Maxkamadeyntan lixda toddobaad qaadatay ayaa timid ku dhawaad ​​soddon sano ka dib markii dacwad ka dhan ah Munyemana laga gudbiyay magaalada maxkamadda Bordeaux ee koonfur-galbeed ee Faransiiska 1995-kii.

Munyemana oo la filayo in uu u bilowdo dagaal dhanka sharciga ah ayaa waxaa markii xukunka la ridayay aan waxba laga qaban, isla markiiba xabsiga la dhigay.

Waa tuhmanihii lixaad oo lagu maxkamadeeyo gudaha Faransiiska kuwaasoo loo haysto xasuuqii dhacay 1994-tii kaas oo la qiyaasay in ay ku nafwaayeen ku dhowaad 800,000 ruux.

Xasuuqaas ayaa wuxuu ka dhashay dagaal u dhaxeysay qowmiyadda Tutsiga ee laga tirada badan yahay iyo qowmiyadda Hutu-ga qunyar socodka ah waxaana uu dagaalka socday 100 maalmood.

Waqtigaas, Munyemana ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa 38-jir ku takhasusay cudurrada haweenka ee Tumba, waxaana uu ka howlgalayay xarun caafimaad taasoo ku taal degmada koonfurta Rwanda kamid ah jaamacadda Butare.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM