Safiirka Mareykanka u fadhiya Sudan oo ku dhaawacmay shil gaari

Image
Mr Godfrey waa safiirkii ugu horeeyay ee Mareykan ah oo u fadhin doona dalka Suudaan ku dhawaad ​​rubuc qarni.

NAIROBI, Kenya - Safiirka Maraykanka u fadhiya dalka Suudaan John Godfrey ayaa laga saaray isbitaal kadib markii uu dhaawac fudud ka soo gaaray shil gaari oo ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Khartoum.

Safaaradda oo qoraal kooban ku daabacdey ciwaanka ay ku leedahay Twitter-ka ayaa sheegtay in labo shaqaale oo kale ay sidoo kale waxyeelo kooban kasoo gaartey shilkaas.

Ma aysan caddeyn sababta keentay shilkan balse waxay xaqiijisay in seddexda qof loo qaaday isbitaal si loo qiimeeyo xaaladooda ka dib markii ay soo gaareen dhaawacyo fudud.

"Danjire Godfrey ayaa hadda ku nasanaya guriga," sida ay safaaraddu ku soo qortay barteeda Twitter-ka. Balse, ma aysan kala saarin haddii uu shaqada si caadi ah usii wadan doono.

Mr Godfrey waa safiirkii ugu horeeyay ee Mareykan ah oo u fadhin doona dalka Suudaan ku dhawaad ​​rubuc qarni wuxuuna dalka yimid bishii August ee sanadkii 2022-kii.

Labada dal ayaa waxay "bog cusub" u fureen xiriirkooda sanadkii 2021 ka dib markii Sudan ay dhamaystirtay bixinta magdhowga dhibanayaasha Maraykanka ee weeraradii argagixisada ee Kenya, Tanzania iyo Yemen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM