Samafale Mareykan ah oo laga sii daayay afduub uu ku jiray lix sano

Image
Jeff Woodke ayaa waxaa laga kaxaystay gurigiisa oo ku yaala Abalak, Niger, sanadkii 2016-kii.

NAIROBI, Kenya - Jeff Woodke, oo ah samafale Mareykan ah kaasoo afduub ahaan lagu haystay Galbeedka Afrika in ka badan lix sano, ayaa la sii daayay, sida uu sheegay la taliyaha amniga qaranka Mareykanka, Jake Sullivan.

"Maraykanku waxa uu uga mahadcelinayaa Niger kaalinta ay ka qaateen badbaadinta Woodke. Waxaa kale oo mahadsan cid walba oo si hagar la'aan ah uga shaqeeyay siduu xorriyadiisa u heli lahaa," ayuu raaciyey.

Woodke ayaa laga kaxaystay gurigiisa oo ku yaala Abalak, Niger, sanadkii 2016-kii, waxaana qafaashay shabakad argagixiso oo ka hawlgasha guud ahaan dalalka Mali, Niger iyo Burkina Faso.

Sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Joe Biden, Woodke oo kasoo muuqdey shaashadaha ayaa waxaa laga soo helay meel ka baxsan Niger oo ka tirsan aagga Mali-Burkina Faso.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka John Kirby oo saxaafada la hadlay ayaa tibaaxay in Woodke uu dib ula midoobi doono qoyskiisa ka dib baaritaan caafimaad oo buuxa.

"Ma jirin wax tanaasul ah oo la sameeyay. Tani waxay ahayd kaliya shaqo adag oo ay sameeyeen diblamaasiyiin iyo khubaro kale oo si toos ah ula shaqeynaya dawladda Niger si ay u helaan goobtii lagu haystay," ayuu tibaaxay.

Woodke ayaa wuxuu ku noolaa Niger sanado ka hor inta aan la afduuban. Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa wuxuu booqasho ku tagay dalka Niger oo qeyb ka ah safar uu ku tagay Afrika todobaadkii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM