Saraakiil boolis oo la amray in lasoo xiro

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Guddiga booliska federaalka Itoobiya ayaa waaran xiritaan ah u jaray 10 sarkaal boolis oo ka tirsanaa Guddiga bileyska ee magaala madaxda Addis Ababa, sidda ay ku warantay saxaafadda maxaliga ah.

Sidda laga soo xigtay warbaahinta dowladda, saraakiishan oo la wariyey in ay ka amar-qaadan jireen hogaanka xoogaga TPLF ee gobolka Tigray ayaa loo haystaa in ay ku kaceen khiyaano Qaran iyo gabood-falo bini'aadanimo.

"Waxay si toos ah iyo si dadban uga qeyb-qaateen qorsheyaal ka dhan ah nabadda si ay u huriyaan colaad iyo ficilo wiiqaya kala dambeynta dastuurka," ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay Guddiga booliska Itoobiya.

Magacyadda saraakiisha la amray in gacanta lagu soo dhigay oo saxaafadda dowladda ay baahisay ayaa waxay kala yihiin;

1) Commander Solomon Abrha Bisrat
2) Commander Hailemariam Berhane G/ Mariam
3)Deputy Inspector Kibrom Gebru G/ Egziabher
4)Deputy Inspector Aregawi G/ Hiwot Asfaw
5) Assistant Inspector Geza’e G/Hiwot G/Silassie
6) Assistant Inspector Tesfa Kiros Gidey
7) Assistant Inspector Araya G/ Anania Kidanu
8) Assistant Inspector Solomon Wolay W/Abzgi
9) Chief Sajin Hailay Woldu G/Mariam
10)Chief Sajin Haftu Kahsay

Maamulka Abiy Axmed ayaa tan iyo markii guusha ka sheegtay gobolka waqoyga dhaca ee Tigray wuxuu soo saarayay amrayo lagu soo qabanayo shaqsi kasta oo gacansaar la lahaa hogaamiyeyaasha Jabhadaas ka talin-jirtay ismaamulka.

Illaa haatan ma cadda halka ay ku sugan yihiin hogaanka TPLF. Hasa ahaatee, waxaa laga cabsi qabaa in ay bilaabaan dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.

Ra'iisul Wasaare Abiy oo beeniyey in TPLF ay durba bilowday dagaal jabhadeyn ah ayaa ku nuux-nuuxsaday in kala dambeynta ay kusoo laabaneyso Tigray isla markaana maamulka ku meelgaarka ah ka shaqeynayo xasiloonida gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM