Sarkaal ka tirsan ciidanka booliska oo toogtay aabaha dhalay Senator

Image

NAIROBI, Kenya – Sarkaal ka tirsan booliska Kenya ayaa lagu waramay in uu toogtay aabaha dhalay mid kamid ah Senatorada ka tirsan baarlamaanka dalkaas.

Senator Anwar Loitiptip oo laga soo doorto ismaamulka Lamu ayaa ka dhawaajiyey in aabihii David Kiwaka ay xabada ka haleeshay lugta.

Illaa iyo haatan ma cadda sababta dhabta ah ee keentay toogashada, balse wararku waxay sheegayaan in rasaasta loogu dhuftay in uusan wadan Maaskaro.

Dhacdadaan ayaa lasoo wariyey 17-kii May ee sanadkan 2020. Anwar Loitiptip wuxuu cod dheer ku dalbaday baaritaan dhab ah oo lagu sameeyo kiiskan.

Sidda laga soo xigtay mudanaha, bukaanka oo xaaladiisu ay haatan tahay mid wanaagsan waxaa uu ku jiifaa Isbitaalka Nanyuki Cottage.

Saumu Mbuvi, oo ah marwadda Anwar Loitiptip, ayaa ahayd qofkii ugu horeeyay ee baraha bulshadda soo dhigay toogashadda sodogeed oo hadda soo kabanaya.

Ciidamadda amniga Kenya ayaa lagu eedeeyay in ay si aan wanaagsaneyn ula dhaqmaan dadweynaha marka ay fulinayaa amaradda kasoo baxa dowladda.

Sidda ku xusan warbixintii ugu dambeysay, Kenya ayaa laga diiwaan-geliyey in ka badan 900 kiisas ah, 50 dhimasho iyo dad ka badan 300 oo ka caafimaadey xanuunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM