Sarkaal ka tirsan maamulka Mandera oo la dilay

Image
Kooxda Al-Shabaab ee fadhigeedu yahay geeska Afrika ayaa weeraro ka geysata dalalka Kenya iyo Soomaaliya.

NAIROBI, Kenya – Sarkaal ka tirsan maamulka magaaladda Mandera ee dalka Kenya ayaa koox hubaysan ku dishay gobolka waqooyi sida ay sheegeen saraakiisha amaanka dilkaasi ka xiriiriyay kooxda gacan saarka la leh Al Qaacida ee Al Shabaab.

Guddoomiye ku xigeenkii tuulada Cumar Jilacow ee bariga ismaamulka Mandera ee dalka Kenya Maxamad Cabdi Axmad (Jaak) ayaa la toogtay, waxaana la sheegay in dilkiisa ay fuliyeen koox Bistoolado ku hubeysan goobta ka baxsatay.

Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka Kenya ayaa warbaahinta maxaliga ah u xaqiijiyay toogashada ninkan, iyagoo sheegay in ay wadaan baaritaano la xiriira kooxaha falkan ka danbeeyay, waxa ay sidoo kale sheegeen in ay baadi goobayaan gacan ku dhiiglayaasha.

Booliska ayaa ku goodiyay in ay sharciga horkeeni doonaan kooxaha caadaystay khaarajinta masuuliyiinta deegaanka sanadihii la soo dhaafay soo badanayay.

Marxuum Maxamad Cabdi Axmad oo ku magac dheeraa Jaak ayaa mudo yar hayay xilkan, iyadoo sidan oo kale hore loo dilay mas’uulkii isaga kahoreeyay oo uu xilkiisa la wareegay.

Kooxda Al-Shabaab ee fadhigeedu yahay geeska Afrika oo weeraro ka geysata dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa durba sheegatay mas’uuliyada dilka Guddoomiye ku xigeenkii tuulada Cumar Jilacow ee bariga ismaamulka Mandera, iyagoo ku goodiyay iney sii wadayaan beegsigan mas’uuliyiinta xillalka ka heysa gobolka waqooyi bari Kenya.

Al Shabaab ayaa Kenya ka fulisay weeraro dhiig ku daatay tan iyo markii ciidankeedu guddaha u galeen Soomaaliya sida ay ula dagaalamaan kooxdaan xagjiriinta ah.

Ciidamada Kenya ayaa bishii October ee sanadkii 2011-kii gudaha u galay Soomaaliya si ay halkaas ugula dagaallamaan xooggaga Al-Shabaab oo ay sheegeen inay khatar ku hayeen amniga gudaha Kenya. Fariisimaha milatariga Kenya ee Soomaaliya ayaa ku yaalla deegaannada hoos taga maamulka Jubbaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM