Sawirrada raggii fuliyay weerarka Nairobi oo lasoo bandhigay [DAAWO]

Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Dowladda Kenya ayaa soo bandhigtay sawirrada raggii fuliyay weerarka hotel-ka DusitD2 oo ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kaamirooyinka CCTV ee ku xiran Hotel-ka ayaa duubtey afar nin oo hubeysan, oo mid kamida wajigiisa si cad usoo bandhigtay loona maleynayo inuu Soomaali yahay, halka saddexda kale meel fog ka muuqdeen.

Afarta nin oo ku hubeysan AK-47 iyo bambooyin ayaa gudaha Hotel-ka u galay, iyagoo toogtay dhowr qof, iyagoo fuulay dabaqa Hotel-ka oo ka kooban 7 biyaano.

Mid kamid ah raggan ayaa is qarxiyay, sida ay boolisku sheegeen.

Dhismaha la weeraray ayaa ku yaalla xaafadda Westlands, ee galbeedka Nairobi, waxaana uu caan ku yahay inay degan yihiin hay'addo iyo shirkado ganacsi, iyadoo uu ku yaalla Hotel caan ah oo lagu magacaabo DusitD2.

In ka badan 14 qof ayaa la sheegay in lagu dilay weerarka, iyadoo Booliska Kenya ay xaqiijiyeen in ciidamada ay sifeeyeen qeybo kamida dhismaha, inkastoo aan la ogeyn in la dilay dableyda iyo inkale.

Al Shabab ayaa sheegatay mas'uuliyaddaa weerarkan, oo noqonaya midkii 3aad oo ay ku qaado kooxdan xiriirka la leh Al-Qaacidda xarun muhiim ah oo ku yaalla Kenya [Westgate mall, Garissa University iyo midka DusitD2].

Labo qof oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyay inay kamid yihiin dadka lagu dilay weerarka, kuwaasoo u shaqeynayay SSF. [Halkan ka akhri warbixinta].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM