Saxafi sare oo loo xukumay in uu "raali ka yahay kufsiga"

Image
Soo-jeediyaha barnaamij telefishin ayaa la isugu daray xukun cabsi iyo ganaax lacageed.

YAMOUSSOUKRO, Ivory Cost - Yves de M'Bella oo ah wariye ka tirsan telefishin ku yaala waddanka Ivory Cost ayaa 12-bilood oo xabsi loogu xukumay in uu "dhiirageliyey kufsiga".

M'Bella oo si gaar ah u soo jeediye barnaamij waxaa sidoo kale lagu ganaaxay $3,600. Saxafiga wuxuu wareystay shaqsi horey loogu helay dambi kufsi ah.

Wareysiga wuxuu daaranaa qaabka uu ruuxaas u faroxumeeyay haween badan. Tani waxay sababtay in 50-kun qof ay u codeeyaan in la maxkamadeeyo.

Kader Traoré oo ah ruuxa la wareystay ayaa qudhiisa mar kale waxaa garka loo geliyey 24-bilood oo uu ku qaadan doono jeelka iyo ganaax lacageed oo dhan $902.

Xeer-beegtada ayaa sheegtay labada xukumane ay joojiyeen "sida ay raali uga yihiin kufsiga" oo loo tixgeliyo mid kamid ah xadgudubyada ugu waaweyn ee loo geysto dumarka.

Qareenada difaacayey xukumaneyaasha ayaa u sheegay maxkamadda in kalyeentiyadooda aysan dafirin dambiga sidaas darteedna ay rajeynayaan in ay rafcaan ka qaataan xukunka.

Dadweynihii aadka uga hor-yimid xukunkan waxay hoosta ka xariiqeen in ay rajeynayaan in aysan jiri doonin cid kale oo ku dhiirata in ay ka sheekeyso tacadi dumar u geysteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM