Saxafiyiin muuqaal ka faafiyey madaxwayne isku-kaadinaya oo la daayay

Image
Muuqaal oo bishii December ee sanadkii hore lagu faafiyay baraha bulshada ayaa dhaliyey hadal-heyn qabsatay internet-ka.

NAIROBI, Kenya - Laba ka mid ah afar wariye oo loo xiray bishii Janaayo in ay faafiyeen muuqaal u muuqday in uu muujinayo madaxweynaha South Sudan oo surwaalkiisa "isku-kaadinaya" isagoo jooga goob dadweyne ayaa la sii daayay.

Ururka Suxufiyiinta Koonfurta Suudaan ee UJOSS ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inay soo dhawaynayaan sii deynta Victor Ladu iyo Mustapha Osman.

Muuqaal oo bishii December ee sanadkii hore lagu faafiyay baraha bulshada ayaa dhaliyey hadal-heyn qabsatay internet-ka. Madaxweynaha ayaa xilligaas u taagnaa heesta calanka.

Lix ka mid ah howlwadeenadda warbaahinta dawladda oo kali ku ahaa baahinta munaasabadaas ayaa markii dambe xabsi loo taxaabay, laakiin laba ayaa weli xabsiga ku jira.

"[Waxaan] ka codsanaynaa dowladda inay sii deyso Garang John iyo Jacob Benjamin ama haddii ay hayaan kiis ay uga jawaabaan, waa in la horgeeyaa maxkamad sharciga ah," ayaa lagu yiri bayaanka UJOSS.

Xariga wariyeyaashan ayaa sidoo kale waxaa si xooggan u cambaareeyay kooxaha u dooda xuquuqda oo ay ku jiraan Guddiga Difaaca Saxafiyiinta (CPJ).

"Xiritaanku ma ahan xalka ugu wanaagsan. Saraakiisha ammaanka waa in ay dacwad kusoo oogaan ama sii daayaan howlwadeenada warbaahinta", ayuu yiri wakiilka ururka CPJ ee wadamadda qaarada Afrika ee Saxaraha ka hooseeya, Muthoki Mumo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM