Saxafiyiin xukun xabsi loogu riday cabasho ay gudbiyeen wasiiro

Image
Ferdinand Ayite iyo Kokou Kouwonou ayaa haatan ah isku-qarinaya goob aan wali la ogaan.

Laba wariye oo u dhashay Togo ayaa lagu xukumay saddex sano oo xarig ah, kaddib markii lagu eedeeyay inay aflagaadeeyeen mas'uuliyiin dowladeed, sidda uu sheegay qareenkooda iyo ururadda.

Ferdinand Ayite iyo Kokou Kouwonou ayaa lagu soo oogay bishii Diseembar 2021 eedaymo ku saabsan isku-dabaridka iyo ku faafinta macluumaad been abuur ah oo lagu baahiyey baraha bulshadda.

Ayite iyo Kouwonou ayaa kala ah agaasimaha iyo tifaftiraha wargeyska toddobaadlaha ah ee l'Alternative. Dacwada lagu soo oogay ayaa timid kadib cabasho ay gudbiyeen wasiiro awood badan.

Wasiirka cadaaladda Pius Kokouvi Agbetomey iyo wasiirka ganacsiga Kodjo Adedze ayay kala yihiin mas'uuliyiinta cabashada ka gudbisay muuqaal ay labada wariye ku faafiyeen barta YouTube-ka.

Maxkamad ku taal caasimadda Lome ayaa Ferdinand Ayite iyo Isidore Kouwonou ku xukuntay saddex sano oo xadhig ah iyo $4,900 ganaax ah, sida uu sheegay qareenkooda Elom Kpade.

"Amar caalami ah ayaa lagu soo xiray iyaga," ayuu sii raaciyey, isagoo intaa ku daray inuu kala tashan doono saxafiyiinta uu xuquuqdooda difaacayo in ay qaataan racfaan ka dhan ah xukunkan.

Ayite ayaa muddo kooban lala xiray wariye kale bishii Diseembar 2021. Isaga iyo Kouwonou ayaa hadda dhuumanaya si ay uga badbaadaan maxkamadeynta iyo ciqaabta dowladda.

Guddiga Badbaadinta Saxafiyiinta ee magacooda loosoo gaabiyo CPJ ahna hay'ad fadhigeedu yahay Mareykanka taasoo u ololeysa xorriyadda saxaafadda, ayaa cambaareysay kiiska.

"Masuuliyiinta Togo waa in ay si degdeg ah u joojiyaan dhibaataynta sharciyeed ee ay ku hayaan suxufiyiinta Ferdinand Ayite iyo Isidore Kouwonou ayna u ogolaadaan inay si xor ah u shaqeeyaan," ayay tiri.

Togo waa dalka yar oo dhaca Galbeedka Afrika. Tan iyo 2005 waxaa xukuma madaxweyne Faure Gnassingbe. Inta badan waxa ay kooxaha xuquuqul insaanka ku eedeeyaan inay cabudhinayaan mucaaradka iyo warbaahinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM