Shaden Gardood: Fanaanad caan ah oo lagu dilay dagaalka Suudaan

Image
Marxuumada oo ka heesi jirtay nabada iyo amniga ayaa ifka waxay kaga tagtey wiil 15-sano jir ah.

KHARTUUM, Suudaan - Mid ka mid ah fanaaniinta ugu caansan dalka Sudan oo lagu magacaabi jiray Shaden Gardood ayaa lagu dilay israsaasayn ka dhacday magaalada Omdurman ee dalka Suudaan, sidda ay xaqiijiyeen xubno kamid ah qoyskeeda.

Gardood oo ifka kaga tagtey hal wiil oo 15-sano jir ah ayaa ku dhintay iska-hor-imaadyo dhexmaray ciidamada Sudan iyo kuwa Rapid Support Forces (RSF) Jimcihii.

Dhimashada 37-jirtan ayaa ka dambeysay ka gadaal hal maalin uun kaddib markii dhinacyadii dagaalamay ay saxiixeen heshiis lagu dhimayo dhibaatada dadka rayidka ah..

Gardood ayaa iyadda iyo xubno kamid ah qoyskeeda waxa ay ku noolaayeen xaafadda al-Hashmab, halkaas oo joogitaanka RSF uu kordhay maalmihii la soo dhaafay.

Heraa Xasan Maxamed, oo ay eedo u tahay Shaden, ayaa barta Facebook ku xaqiijisay geerideeda waxayna tiri: “Waxay ii ahayd hooyo iyo gacaliso, waxaan iska sheekeysanaynay, Alle ha u naxariisto".

Sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo kala duwan, Gardood ayaa daganeyd agagaarka dhismaha TV-ga iyo raadiyaha qaranka Suudaan oo ahaa goob dagaal maalintii ugu horeysay ee dagaalka.

Dagaalada u dhaxeeya Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan (SAF) iyo Xoogaga Gurmadka Degdeg ah RSF oo xuduntiisu tahay magaalada Khartoum ayaa waxa uu galay ku dhawaad ​​afar todobaad.

Iskahorimaadku wuxuu qarxay bartamihii bishii Abriil, markii RSF ay diiday in lagu daro ciidamada Suudaan iyada oo loo marayo isbeddel qorshaysan oo loogu guurayo xukun rayid ah.

In ka badan 600 oo qof oo rayid ah ayaa ku dhintay in ka badan 4,000 oo kalena waa ay ku dhaawacmeen, iyadoo 80% isbitaallada la xiray cunto, biyo iyo koronto la’aan daran aawadeed.

Gardood waxay asal ahaan kasoo jeedaa gobolka Koonfurta Kordofan, oo ahayd aag dagaal ilaa 2011, ka hor inta aysan la degin Khartoum iyada iyo qoyskeeda.

Heesaheeda ayaa u badnaa nabadda iyo amniga gobolkeeda waxayna kor u qaaday dhaqanka bulshada la haybsooco ee Al-Bagara, ee Koonfurta Kordofan, iyadoo ciyaartay doorkii Hakama - gabayaaga ku dhiirigeliya ragga inay u baxaan dagaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM