Shaqaale samafal oo cagajugleyn loogu gaystey Addis Ababa

Image
Sawir Hore: Rakaab Diyaarad ka raaciya garoonka diyaardaha Bole. Xuquuqda.Anadolu

ADDIS ABABA, Kenya | Shaqaalaha Hay'daha samafalka ayaa sheegey in sarkiisha amniga joojiyeen xilli ay sii galayeen garoonka diyaaradaha Addis Ababa galabnimadii Khamiista, ka hor duulimaad ay ugu safrayeen gobolka Tigray ee dhaca Woqooyiga dalka Ethiopia.

Howl-wadeenada hay'ada WFP oo ka baqaya in dhibaato ka soo gaaarto hadii ay la hadlaan saxaafada ayaa sheegey in cabsi galin dheraad ah kala kulmeen saraakiisha amniga inta aysan raacin duulimaad ku wajahnaa magaalo madaxda gobolka Tigaray ee Mekelle.

"Saraakiisha amniga ayaa nagu amartey in aanu qaadi karin daawo iyo lacag aan ka badneyn 10.000 birr ( u dhiganta $230), "sidaas waxaa yiri sarkaal ka tirsan shaqalaha hay'da gargaarka wadey.

"Iyaga oo ka cabanaya cagajugleynta loo gaystey, qaar ka tirsan saraakiisha hay'ada WFP iyo QM waxay diideen iney diyaaradda fuulaan," sidaas waxaa yiri sarkaal.

Dowladda Ethiopia si degdeg ah ugama jawaabin eedeyntaan.

Duulimaadkii UNHAS ee maalinamada Khamiista July 22,2021 oo qaaday rakaabka ayaa waxaa ka shaqeeyey hay'dda cuntada aduunka [ WFP].

Diyaarada ayaa sidey 30 qof ka kooban shaqaaalaha hay'adaha gargaarka ee ka shaqeeya gobolka Tigray.

Asbuucii la soo dhaafey, Addis Ababa ayaa ku eedeysay qaar ka tirsan hay'adaha samafalka ee ka shaqeeya gobolka Tigray in hub si qarsoodi ugu gudbiyaan TPLF, iyagoo ku hanjabey iney qaar ka tirsan hay' adahaan shaqada ka joojin doonaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM