Shaqaale samafal oo cagajugleyn loogu gaystey Addis Ababa

Image
Sawir Hore: Rakaab Diyaarad ka raaciya garoonka diyaardaha Bole. Xuquuqda.Anadolu

ADDIS ABABA, Kenya | Shaqaalaha Hay'daha samafalka ayaa sheegey in sarkiisha amniga joojiyeen xilli ay sii galayeen garoonka diyaaradaha Addis Ababa galabnimadii Khamiista, ka hor duulimaad ay ugu safrayeen gobolka Tigray ee dhaca Woqooyiga dalka Ethiopia.

Howl-wadeenada hay'ada WFP oo ka baqaya in dhibaato ka soo gaaarto hadii ay la hadlaan saxaafada ayaa sheegey in cabsi galin dheraad ah kala kulmeen saraakiisha amniga inta aysan raacin duulimaad ku wajahnaa magaalo madaxda gobolka Tigaray ee Mekelle.

"Saraakiisha amniga ayaa nagu amartey in aanu qaadi karin daawo iyo lacag aan ka badneyn 10.000 birr ( u dhiganta $230), "sidaas waxaa yiri sarkaal ka tirsan shaqalaha hay'da gargaarka wadey.

"Iyaga oo ka cabanaya cagajugleynta loo gaystey, qaar ka tirsan saraakiisha hay'ada WFP iyo QM waxay diideen iney diyaaradda fuulaan," sidaas waxaa yiri sarkaal.

Dowladda Ethiopia si degdeg ah ugama jawaabin eedeyntaan.

Duulimaadkii UNHAS ee maalinamada Khamiista July 22,2021 oo qaaday rakaabka ayaa waxaa ka shaqeeyey hay'dda cuntada aduunka [ WFP].

Diyaarada ayaa sidey 30 qof ka kooban shaqaaalaha hay'adaha gargaarka ee ka shaqeeya gobolka Tigray.

Asbuucii la soo dhaafey, Addis Ababa ayaa ku eedeysay qaar ka tirsan hay'adaha samafalka ee ka shaqeeya gobolka Tigray in hub si qarsoodi ugu gudbiyaan TPLF, iyagoo ku hanjabey iney qaar ka tirsan hay' adahaan shaqada ka joojin doonaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda Itoobiya iyo Masar oo markale cirka isku shareeray sababo la xiriira webiga Nile

Hadalladan ayaa yimid iyadoo Itoobiya ay dhisayso biyo-xireenka weyn ee Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD), oo ku yaalla wabiga Nile.

  • Afrika

    13-08-2025

  • 09:33AM

Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Mali oo Xabsi la dhigay iyadoo milateriga xukunka la wareegay

Mali waxaa tan iyo 2020 xukuma talis milatari oo xoog ku qabsaday talada, iyadoo 2021 ay mar kale afgambi sameeyeen.

  • Afrika

    13-08-2025

  • 09:06AM