Mali: Shaqaale u dhashay China iyo Mauritania oo la qafaashay

Image

BOMAKO, Mali - Dabley hubeysan ayaa seddex muwaadin oo u dhashay Shiinaha iyo labo Mauritania ah ka afduubtay goob uu dhisme ka socdey koonfur galbeed Mali, sida ay sheegeen ciidamada qalabka sida ee waddankaas.

"Kooxda hubeysan ayaa Sabtidii weerartey goobta oo 55 kilomitir (34 mayl) u jirta magaalada Kwala, waxayna ku baxeen shan baabuur oo kuwa xamuulka qaada ah iyo la haystayaasha," ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Facebook-ga ee ciidamada qalabka sida ee Mali (FAMA).

Sida ay ciidamadu sheegeen, dableyda ayaa sidoo kale burburisey qalab ay ku jiraan wiish iyo gawaari iska roge ah oo ay lahaayeen shirkadda dhismaha Shiinaha ee COVEC, iyo shirkadda waddo dhisidda Mauritania ee ATTM.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Mali oo codsaday inaan la magacaabin ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in dadka la waayey ay ka shaqeynayeen dhismaha jidadka gobolkaasi. "Sii deynta la haystayaasha oo dhan ayaa ah ahmiyadeena," ayuu yiri.

Wakaaladda wararka ee Mauritania ee Al-Akhbar ayaa ku warantay in dableydu ay ku yimaadeen mootooyin ayna gubeen qalab iyo sidoo kale taangiyo shidaal ka hor intii aysan la bixin maxaabiista.

Qafaalashadda ayaa waxay kusoo noqnoqdeen gudaha Mali iyadda oo bartilmaameedka uu yahay muwaadiniinta Mali iyo ajaanibba. Dalkan dhaca galbeedka Mali waxaa horey u soo maray afduub ku dhamaadey khaarijin.

8-dii Abriil, weriye Faransiis ah ayaa laga afduubay waqooyiga Mali. Olivier Dubois wuxuu tibaaxay in Kooxda Taageerta Islaamka iyo Muslimiinta (GSIM), oo ah isbahaysiga ugu weyn ee kooxaha hubaysan ee Sahel, ay qafasheen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Canshuuraha Cusub ee Trump oo Saameysay Dalal Badan oo kamid ah Afrika

Lesotho ayaa markii hore wajahaysay canshuur dhan 50%, balse markii dambe waxaa loo dhigay 15%.

  • Afrika

    09-08-2025

  • 04:41PM

Kenya: Bas Sidday Dad Aas Ka Soo Qaybgalay oo Ku Rogmaday

Mas’uuliyiinta ayaa ku baaqay in si degdeg ah wax looga qabto ammaanka waddooyinka si looga hortago dhacdooyin naxdin leh oo kale.

  • Afrika

    09-08-2025

  • 09:47AM