Shaqaalo helay boorso ay ku jirtay $19K oo fal dhif ah sameeyay

Image
Lacagtan waxaa iska lahaa dalxiise kaasoo kadib talaabadda howlwadeenada fariin soo diray.

NAIROBI, Kenya - Labo ka mid ah shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee Kenya iyo sarkaal booliis ah ayaa la ammaanay kadib markii ay dib ugu celiyeen dalxiise British ah boorso ay ku jirtay ilaa $19,000 (£17,000) iyo alaabo kale oo qaali ah.

Benson Nickolson waxa uu ka mid ahaa koox dhawaan ka soo laabtay safar uu ku tagayay aagga Maasai Mara Game Reserve markii uu ku waayay boorsada garoonka Wilson ee caasimada Nairobi.

Shaqaalaha garoonka iyo haweeneyda booliiska ka tirsan ayaa helay boorsada iyagoo ka baaray waxyaabaha qarxa ka hor inta aan lala xiriirin qofkii iska lahaa.

“Dhammaan lacagtaas oo gaareysay ilaa $19,000, kaararkeyga oo dhan waa la helay, dhamaan agabkii kale ee qaaliga ahaa oo ay ka mid aheyd qalab ay ka tagtey ayeeyadayda geeriyootay ayaa sidoo kale dib u helay, waxayna ii aheyd riyo maalmeed," ayuu Mr Nickolson ku yiri email mahadnaq ah oo uu u diray Booliska Kenya.

Nickolson oo sharaxaad ka bixinaya lacagta cadaanka ah ee uu watay ayaa waxa uu sheegay in uu sitay lacagta la taaban karo si uu ugu fududeeyo dhaqdhaqaaqa kooxdiisa iyo inta ay ku guda dalxiiska.

Kormeeraha ammaanka ee garoonka diyaaradaha Wilson, Joseph Kabangi, ayaa u sheegay Citizen TV in "daacadnimadda ay tahay qiimiga asaasiga ah" ee shaqaalaha garoonka.

Dhacdooyinka noocaan ah ayaa dhif iyo naadir ka ah wadamadda qaar. Balse, talaabada ay qaadeen howlwadeenadan iyo muwaadiniinta u dhashay Kenya waxay sarre u qaadi kartaa sumcadda iyo kalsoonida ay dalxiiseyaasha ku qabi karaan dalkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM