Shaqsi ay qaraabo yihiin Buhari oo laga soo furtay dabley qafaalatay

Image

ABUJA, Nigeria – Booliska Nigeria ayaa iska hor-imaad kadib dabley kasoo furtey ruux ay qaraabo yihiin madaxweyne Maxamaduu Buhaari kaasi oo magaaladda waqoyga ku taala ee Kano lagu afduubtey.

Saraakiisha ayaa waxay ku duuleen goob gabaad ah halkaasi oo Muusa Cumar lagu haystay muddo laba bilood ah.

Dhibaneha ayaa waxaa lasoo badbaadiyey isaga oo aysan soo gaarin wax dhaawac ah, sidda ay xaqiijiyeen qoyskiisa.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa ku warameysa in 11 kamid ah kooxda qafaalashada geystay lasoo xiray, lana soo furtey rasaas.

Mr Cumar ayaa waxaa 2-dii bishii May laga watay magaaladda Daura, halkaasi oo uu kasoo jeedo madaxweyne Buhaari.

Laamaha ammaanka ayaa laga soo xigtay in dableyda kahor soo furashadda ay codsadeen 11 milyan oo dollar-ka taasi oo madax furasho ah.

Qafaalashada dadka caanka ah, dalxiiseyaasha iyo shaqsiyaadka hodanka ah ayaa ka ah waddanka qaniga ku ah Shidaalka ee Nigeria. Inkasta oo loo sameeyay ciidamo gaar ah haddana wali waa uu sii socdaa afduubka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM