Shiinaha oo Kenya ku gannaaxay aduun dhan $10.8 milyan

Image
Talaabadan ayaa ka dhalatay kadib markii Nairobi ay iska bixin wayday deyn ay ka qaadatay Beijing.

NAIROBI, Kenya - Deynta dibadda ee Kenya ayaa Khamiistii korortey ka dib markii Shiinuhu uu ku ganaaxay waddanka ku yaal Bariga Afrika 1.3 bilyan oo shilin ($10.8 milyan) ka dib markii uu ka bixi waayay deymaha mashruuc tareen oo aad loo hadalhayay balse muran badan dhaliyay.

Sida laga soo xigtay dukumentiyada khasnadda ay aragtay Business Daily, oo ah joornaal fadhigiisu yahay gudaha Kenya, ganaaxa "waxa uu la xiriiraa kharashka ribada ah ee boqolkiiba hal ee qaddarka saxda ah."

Cashuur bixiyayaasha Kenya ayaa lagu qasbay in ay jeebkooda ka bixiyaan deymaha faraha maadaama dakhliga hadda ka soo xarooda jidka tareenka ee Standard Gauge Railway (SGR) oo ah mashruuca kaabayaasha dhaqaalaha ee ugu weyn Kenya uu hoos u dhac ku yimid kharashaadka shaqo ee sanadlaha ah iyo sidoo kale bixinta dib u bixinta deymaha.

Marka loo eego dowladda, SGR wuxuu soo saarey 15 bilyan oo shilinka Kenya ah ($123.9 milyan) oo faa'iido ah sanad maaliyadeedkii 2020-2021 marka loo eego qarashka hawlgelinta isla muddadaas oo dhan 18.5 bilyan oo shilinka Kenya ah ($152.8 milyan).

Tan iyo 2014 kii, Kenya waxa ay Shiinaha ka qaadanaysay deyn aad u badan si ay ugu maalgeliso mashaariicdeeda kaabeyaasha dhaqaalaha sida waddooyinka, xarumaha tamarta nadiifka ah, iyo mashruuceeda ugu weyn, Waddada Tareennada ee Standard Gauge.

Deynta dibadda looga leeyahay Kenya ayaa bishan June waxay mareysay aduun lacageed dhan $36.4 bilyan, sida lagu sheegay xogta bangiga dhexe ee Kenya.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sanadkii 2017 si rasmi ah u daah-furay Wadada Tareenka ee Shiinuhu ku dhisay 3.8 Bilyan oo Doollarka Mareykanka ah waxaana uu safarkiisii ​​ugu horeeyay uu u kala gooshay 472 KM (293-mile).

Sida ay dawladda Kenya shaaca ka dhigtey, jidka tareenku waxa uu abuuray in ka badan 30,000 oo shaqo toos ah iyo 10,000 oo kale oo dadban. Hase ahaatee, cawaaqibka ugu weyn ee dadka Kenya ay indhaha la raacayaan waxay tahay deynta faraha badan ee dalka uu wali iska bixin la'yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM