Shiinaha oo talaabo u qaadey xoojinta galaangalkiisa Afrika

Image
Wasiirka cusub ee arimaha dibada China, Qin Gang, ayaa bilaabay safar uu ku tagayo shan dal Afrikaan ah.

NAIROBI, Kenya - Wasiirka cusub ee arimaha dibada waddanka China, Qin Gang, ayaa bilabaya booqasho oo ku tagayo dalal oo ku yaala qaaradda Afrika, sidda ay sheegtay wasaaradiisa oo war-saxaafadeed fahfaahsan ka qabatay safarka.

Ethiopia ayuu kasoo bilaabay safarkiisa waxaana ku xigi doona Gabon, Angola, Benin iyo Masar, sidda uu warbaahinta u sheegay afhayeenka wasaarada arimaha dibada Shiinaha, Wang Wenbin.

Ajandaha ugu weyn ee wadahadalada uu geli doona ayaa waxay tahay in uu kala xaajoodo wadamadan ganacsiga si lamid ah iskaashiga Shiinaha iyo dalalkaas.

Socdaalka Masar ayaa la filayaa in uu kula kulmo xoghayaha guud ee ururka Jaamacadda Carabta, Axmed Aboul Gheit, iyada oo dhawaan uu dalka boqortooyada Sucuudiga kusoo dhamaaday shirka dalalka Carabta iyo Shiinaha.

Dano siyaasadeed iyo wada xaajoodyo ayaa qayb ka noqonaya kulamada iyada oo afhayeenka wasaaradaha arimaha dibada Shiinaha, Wang Wenbin uu booqashada ku tilmaamay "mid muhiim ah".

"Waxay muujinaysaa in China ay muhiimad siinayso xiriirka saaxiibtinimo ee soo jireenka ah ee Afrika iyo sidoo kale horumarinta Xiriirka Afrika iyo Shiinaha ka dhaxeeyo," ayuu raaciyey.

Shiinaha ayaa maalgeliyay kaabayaasha dhaqaalaha ee dalalka Afrika iyadoo xeel-dheerayaasha qaybtood ku tilmaamaan mid aan isku dheeli tirnayn iyaga oo u tiirinaya in dalal badan ay la daalaa dhacayaan deymo ay iska bixin karin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM