Shirkad militariga Itoobiya maamulaan oo lagu eedeeyey in hub sharci daro ah ka iibin jirtey Soomaaliya

Image

Shirkad ay militariga Itoobiya maamulaan oo lagu magacaabo Metec ayaa lagu eedeeyay inay ku lug lahayd ganacsiga sharci darrada ee hubka, sida lagu sheegay barnaamij uu tebiyay telefishinka dowladda ee ETV.

Waxaa xabsiga la dhigay madaxii hore ee shirkadda Metec Janaraal Gen Kinfe Dagnew oo isku dayay inuu u xabsado dalka Suudaan.

Barnaamijka ayaa ku eedeeyay saraakiisha maamuleysay shirkadda inay hubka u safrin jireen dalka Soomaaliya.

Suleymaan Dedefo oo ah safiirkii hore ee Itoobiya u fadhin jiray Jabuuti ayaa barnaamij ka baxay ETV u sheegay in sannadkii 2016-kii shirkadda Metec lagu tuhmay inay soo iibsatay labo maraakiib ah oo markii dambe ay u isticmaalayeen saraakiisha shirkadda inay hubka iyo aalabaha kale ee sharci darrada ah u dhoofiyaan dalalka Iiraan iyo Soomaaliya.

Wuxuu sheegay safiirka inuu warqad u qoray wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya si ay ula socdaan eedeymaha loo soo jeediyay shirkadda balse dowladda Itoobiya kama aysan hadlin arrintaasi.

Isniintii, xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya Berhanu Tsegaye wuxuu shaaca ka qaaday in musuq maasuq baahsan lagu helay shirkadda kaddib markii shan bilood ah oo baaritaanno ah.

Waxaa la xiray 27 saraakiil oo shirkadda maamuleysay.

Itoobiya waxaa ka socdaa howlgallo ka dhan musuq maasuqa, waxayna ka qayb yihiin isbadallada taariikhiiga ah uu garwadeenka ka yahay ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Bishii Agosto ayay ahayd markii uu Ra’iisul wasaaraha heshiiskii qanddaraaska dhisitaanka biyo xireenka kala noqday shirkadda Metec isla markaasna siiyay shirkaddo shisheeye.

BBC

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM