Shixnad loo waday ciidamada Jarmalka oo "lagu xaday" Nairobi

Image

NAIROBI, Kenya – Shixnad maasgaro ah oo dhan lix milyan isla markaana loo wadday ciidamadda Jarmalka ayaa waxaa lagu waayey garoonka diyaaradaha Nairobi, caasimadda Kenya, sidda ay qortay saxaafadda.

Majaladda afka dheer ee Der Spiegel ayaa daabacday in qorshuhu ahaa in shixnadaas ay gaarto Germany taariikhdu marka ay tahay 20 Maaj.

Balse, jaraa'idka ma uusan fahfaahin qaabka ay shixnada ku timid magaalada Nairobi ama halka xukuumadda Berlin kasoo daabushay agabka.

Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca Jarmalka ayaa ku adkeystay in ay baarayaan kiiska, wallow ay shaki gelisay "in la xadday".

Maamulka garoonka diyaaradaha Nairobi ee Jomo Kenyatta International oo baarey sheegashadaas ayaa tilmaamay in aysan jirin shixnad labadii todobaad ee lasoo dhaafay lagu waayey madaarka.

Warsaxaafadeed deg-deg ah oo ayay ku sheegeen "in ay been abuur tahay" wararka ku saabsan in garoonka lagu la'yahay qalabkaas.

Sidda ku xusan warbixinta wargeyska Der Spiegel, shixnadaas waxaa loogu talagalay in lagula tacaalo faafitaanka xanuunka COVDI-19.

Jarmalka ayaa kamid ah wadamada uu sidda ba'an u saameeyay Coronavirus. Kiiska waxay ka badan yihiin 30-kun, halka geeridu ay ilaa iyo haatan kor-u-dhaafeyso 130, wallow ay kordhi karto.

Kenya oo xaqiijisay kiisas gaaraya 25 ayaanan wali soo warin wax dhimasho ah. Balse wuxuu dalku mamnuucay duulimaadyadda iyo isu-imaatinka. Hase ahaatee, lama joojin wali qeybta xamuulka.

Guud ahaan caalamka, caabuqaas asal ahaan kasoo bilowday bartamaha Shiinaha wuxuu soo ritay in ka badan 330-kun oo ruux, waxaana uu galaaftey ku dhowaad 13-kun oo kale, kuwaasoo u badan dad waayeel ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bamako oo go’doon la geliyay, kooxo hubeysan oo raba inay la wareegaan caasimadda Mali

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ka mid ah lixda waddo ee waaweyn ee gala caasimadda.

  • Afrika

    30-04-2026

  • 07:47PM

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM