Shuruudaha ay ciidanka AMISOM uga baxayaan Soomaaliya oo la shaaciyey

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa aakhiritaankii si furan waxay sharaxaad dheeraad ah uga bixisay istaraatiijiyadda ku wajahan bixitaanka ciidamadda howlgalka AMISOM ee nabad-ilaalinta u jooga gudaha Soomaaliya.

Monica Juma, wasiirka gaashaandhiga Kenya oo u warantay wargeyska Daily Nation, ayaa qirtay in uu jiro qorshe horyaala Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay kaasoo ah in ay hayaamaan 2021.

Balse, Mrs Juma ayaa carabka ku dhufatay in ay jiraan shuruudo la isku waafaqay in ay ku bixi karaan hadii Soomaaliya laga helo.

Sidda laga soo xigtay sheegashadeeda, shuruudaha waa; in la helo amaan la isku haleyn karo, Al-Shabaab oo la ciribtiro iyo in hay'addaha amniga maxaliga oo ah awood u yeesha xaqiijinta nabad-gelyada.

"Annaga iskama aadin Soomaaliya, waxaan ku aadnay qaraarka Golaha Ammaanka iyo in aan xasilino Soomaaliya. AMISOM kolkii hore wuxuu waajibaadkeedu ahaa in ay ka shaqeyso sidii hay'addaha dowlada ku shaqeyn lahaayeen. Dabcan horumar waa la sameeyay ma joogno halkii aan taagneyn 1993-dii," ayay tiri.

Juma ayaa ku dartey: "Marka miyey noo muuqataa in ay jirto awood qabsan karta dhulka, bixi karta adeeg, milatirgu ma dhisan yahay?" ayay is-waydiisay iyaddoo u muuqata mid xuseysa in aan la fulin shuruudahaas".

Kenya ayaa AMISOM waxay ku leedahay in ka badan 3,500 askar ah. Badankooda waxay joogaan Jubooyinka. 2011 ayay kasoo talaabeen xadka ogolanashiyo la'aan dib ayayna kaga biireen howlgalka AU-da.

AMISOM oo dhaqaalihiisu ay bixiyaan deeq-bixiyeyaasha caalamka iyo Qaramada Midoobay ayaa waxay dalka joogaan in ka badan tobban sano, waxaana dul-hooganeysa su'aalo ku aadan in ay fuliyaan shaqadii laga doonayey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM