Sideed qof oo isku-qoys ah oo ku geeriyooday shil baabuur

Image
Shan caruur ah oo da’doodu u dhaxayso 4 ilaa 13 jir ayaa kamid ah dadka ku nafwaayay dhacdadan.

ALGIERS, Algeria - Sideed qof oo isku qoys ah oo ay ku jiraan shan caruur ah ayaa ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay bariga Algeria, sida ay sheegeen mas'uuliyiin iyo goobjoogeyaal.

Carruurtan oo da’doodu u dhaxayso 4 ilaa 13 jir, waalidkood iyo habaryarteed ayaa geeriyooday kadib markii gaari ay wateen uu jiiray baabuur kale oo nooca raaxadda ah Jimcihii.

Falkan ayaa waxa uu ka dhacay meel u dhaw magaalada Batna, sida lagu sheegay war qoraal ah oo la soo saaray, iyadoo aan faahfaahin laga bixin sababta keentay shilkan.

Sannadkii 2021-kii, Aljeeriya ayaa diiwaangelisay ku dhawaad ​​22,000 oo shil baabuur oo ay ku dhinteen 3,061 qof ayna ku dhaawacmeen 29,763, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Tirokoobka sanadkii lasoo dhaafay 2022 weli lama shaacin. Hase ahaatee, waxaa la filayaa in lasoo saaro bilaha soo aadan. Wararka horudhaca ah waxay sheegayaan warbixino naxdin leh.

Xawaaraha oo aan la xakameyn ayaa ah sababta ugu weyn ee shilalka ka dhaca dalka Waqooyiga qaarada Afrika ku yaalla, sida ay sheegtay hay’adda badbaadada waddooyinka ee dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM