Soomaali-Canadian looga shakiyey "basaasnimo" oo xabsi lo taxaabay

Image

NAIROBI, Kenya – Taliska Booliska Kenya ayaa xaqiijiyey in Isniinta maanta ah ay magaaladda Nairobi ku qabteen afar ruux oo ay ka shakiyeen.

La tuhunsaneyaasha waxaa ku jira nin la sheegay in uu yahay Soomaali-Canadian, wallow aanan lasoo bandhigin magaciisa iyo muuqaalkiisa.

Philip Ndolo, taliyaha booliska Nairobi, ayaa sheegay in shaqsiyaadkan la tuhunsan yahay in ay wadeen "howlo basaasnimo iyo sahmin weerar".

Sidda laga soo xigtay Ndolo, afarta eedeysane ayaa la xiray iyagoo sawirro ka qaadaya garoonka Moi ee ciidamadda cirka Kenya.

"Waxaan u dirnay baaritaano dheeraad ah, natiijadda rasmiga ah kadib, waan bixin doonaa tafaasiil dheeraad ah," ayuu raaciyey.

Garoonka Moi, oo ammaankiisa aad loo ilaaliyo, ayaa waxaa qayb ka degan ciidamadda waddanka Ingiriiska.

Xariga xubnahaan ayaa kusoo aadaya maalin kadib markii la weeraray xerada Manda Bay, oo Mareykanka qayb ka degan yahay.

Al-Shabaab oo sheegatay falkaas lagu beegsaday saldhiga oo ku yaala gobolka Lamu, ayaa xustay in ay ku gubtay diyaarado iyo gaadiid dagaal.

Ugu yaraan saddex Ameerikaan ah - hal askar iyo laba qandaraasleyaal ah - ayaa la xaqiijiyey in ay kamid noqdeen dadka ku geeriyoodey weerarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM