Soomaaliya oo maalin walba la keeno 50-tan Jaad ah

Image
Xukuumadda federaalka ayaa la wariyay in ay ogolaatay ballaarinta shixnada oo kalkii hore ahayd 19-tan maalintii.

NAIROBI, Kenya - Soomaaliya ayaa ogolaatay in ka badan laba jibaar mugga qaadka Kenya loosoo dhoofiyo, sidda laga soo xigtey warbaahinta maxaliga ah gaar ahaan wargeyska Business Daily Africa.

Talaabadan ayaa, sidda ku xusan warbixinta, waxay ballaarinaysa fursadaha beeralayda Jaadka Kenya kuwaasoo macaash badan ka hela suuqa maandooriyahan ee Muqdisho.

Sida ku cad qormadda, 50-tan Jaad ah ayaa si maalinle ah ay Jaadleyda Kenya u soo dhoofiyaan Soomaaliya waxaana 19-tan kamid ah shixnadaas ay yimaadaan magaala madaxda Muqdisho.

Ganacsiga labada dal ayaa waxa uu dib u billowday sannadkii hore bishii Luulyo ka dib markii xukuumadda Muqdisho ay qaadey xayiraadii lasoo rogay sanadkii 2020 sababo salka ku haya dood siyaasi ah.

Madaxa Iskaashatada Jaadleyda ee Kenya, Felix Mutwiri, ayaa shaaca waxa uu ka dhigay in ay ku faraxsan yihiin ballaarinta tirada shaxnida ay dhoofiyaan balse waxa uu walwal ka muujiyaan shuruudo.

"Ilaa hadda waxaa naloo oggol yahay in aan ugu yaraan 50 tan oo Miira ah u soo rarno Muqdisho maalintii," ayuu yiri Mr Mutwiri. "Balse waxaa ka walaacsan nahay amarka ku saabsan in la diiwaan-geliyo".

Kiilooga Miiraha Kenya ayaa  hadda Soomaaliga ka maraya $23 balse ganacsatadu waxa ay sheegeen in uu weli ka hooseeyo marka loo eego 25 Doollar oo uu ka heli jiray ka hor inta aan suuqa la xidhin.

Bishii Oktoobar ee sannadkii hore, Kenya waxa ay ka soo gashay iibka miiraha ee Soomaaliya ugu yaraan $32 milyan oo doolar kadib markii ay u dhoofisay ugu yaraan 1.2 milyan kiiloogaraam oo Qaad/Jaad ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM