Soomaaliya: Safaarad "damiinatay" nin lagu tuhunsan yahay dil

Image
Dhinaca kale, Garowe Online ayaan si madax-banaan waxay u xaqiijin karin sheegashadda labada daraf.

QAAHIRA, Masar - Safaarada Soomaaliya ee Masar ayaa damiinatay nin lagu tuhunsan yahay in uu ku lug-leeyahay geerida gabadh Soomaali ah oo meydkeeda laga helay guri ku yaalla caasimada Qaahira, sidda ay sheegeen qoyskeeda.

Booliska Masar ayaa baaritaan ku bilaabay dhimashadda Caasho Abuubakar Ibraahim. Tuhmanaha koowaad ee kiiskan ayaa ah Maxamed Cabaas kaasoo damaanad banaanka ku jooga, sidda laga soo xigtey reerka marxuumada.

Xubno kamid ah qoyska gabadha oo lasoo xiriiray warsidaha Garowe Online ayaa beeniyay wararka ku saabsan in Cabaas si horudhac ah "looga bari-yeelay kiiska" baaritaankana uusan soo gabagaboonin".

"Macluumaadka ku saabsan in uu jiray xiriir hore oo ka dhaxeeyo labadooda waa kuwa ka fog xaqiiqadda," ayay qoyska ku sheegeen qoraal ay u soo direen xafiiska wararka mareegga GO. "Waxaa rabnaa in aan iyadana qodobkaas saxno".

Lama xaqiijin karo in wasaaradda arrimaha dibadda dowladda federaalka Soomaaliya ay ka war hayso damaanada ay safaaradda u qaadey Cabaas. Balse, illo dhow waxay xaqiijiyeen in madada sarre ay hubinayaan "jirtaanka damaanada".

Qaar kamid ah ehelka dhibanaha oo tagay Masar kadib markii uu banaanka u soo baxay dhimashadda Caasho ayaa sheegay in ay baareyaasha la wadaagayaan fahfaahinta xogta oo ay kamid tahay "waxa guriga ka dhacay".

"Dariskeeda waxay noo sheegeen in ay daqiiqado maqlayeen qaylo badan. Hase ahaatee, waxyar kadib uu aamusay buuqaas una maleynayeen lamaane (nin iyo xaaskiisa) oo arrimo dhexdooda ah isku haysta," ayay raaciyeen qoyska.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Maxamed Cabaas marka laga reebo asxaabtiisa oo baraha bulshadda ka difaacaysa. Halka dhinaca qaraabada marxuumada ka cabanayaan faragalinta safaarada dalka Soomaaliya ku leeyahay dalka Masar faragalisay arinakaan. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya Oo Ku Baaqday In Midowga Yurub Mudnaanta Siiyo La-dagaallanka Al-Shabaab

Kenya ayaa si xooggan u dalbanaysa in Midowga Yurub uu dib u eegis ku sameeyo istaraatiijiyaddiisa.

  • Afrika

    22-09-2025

  • 02:18PM

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM