South Afrika: Jacob Zuma oo lagu xukumay 15 bilood xabsi ah

Image

CAPE TOWN, South Africa - Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Jacob Zuma, ayaa maxkamadda ugu sarreysa dalkaas ay ku xukuntay 15 bilood. Waxaa la siiyay shan maalmood inuu isku dhiibo booliska. Haddii taa la waayo, madaxa booliisku waa inuu amraa xarigiisa.

Xukunka xabsiga ayaa yimid kadib markii maxkamada dastuuriga ah ay ku heshay dambi ah xaqiraad uu ka horyimid amarkeeda si ay uga soo muuqato baaritaanka musuqmaasuqa intii uu madaxweynaha ahaa.

Maalmihii Mr Zuma uu xukunka hayey oo ku ekaa 2018 waxaa hareeyay eedeymo musuqmaasuq. Ganacsato ayaa waxaa lagu eedeeyay inay shirqooleen siyaasiyiinta "si ay saameyn ugu yeeshaan hanaanka go'aan qaadashada".

Madaxweynihii hore ayaa hal mar ka soo muuqday baaritaanka waxa loogu yeero "qabashada gobolka" laakiin ka dib wuxuu diiday inuu mar dambe soo muuqdo taasoo dhalisay dood horleh oo la xiriirta sharciyadda.

Baadhitaanka - oo uu madax ka ahaa garyaqaan Raymond Zondo - ayaa ka codsaday Maxkamadda Dastuuriga ah inay soo faragaliso qaddiyadan ayna kasoo saarto xukun ama go'aan kama dambeys ah.

Zuma ma uusan joogin maxkamadda markii lagu dhawaaqayey xukunka, hase ahaatee, wuxuu dhowr jeer ku dhawaaqay inuu dhibbane u yahay shirqool siyaasadeed weyn. Mase soo bandhigin caddeymo

Xukunkan waa mid taarikhi ah. Arrin kale oo sharciyada la xiriirta, Mr Zuma wuxuu ku adkeystay in uusan gelin wax dambi ah bishii hore markii eedeymaha musuqmaasuq si gaar ah kuwa khuseeya $5bn (£3bn) oo la sheegay in hub looga soo iibsaday sanadii 1990-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM