South Sudan: In ka badan 50 qof oo lagu dilay isku-dhac qabiil

Image
Qaramada Midoobay ayaa ka digtey qulqulatooyinkan todobaad kahor inta aysan dhicin.

JUBA, South Sudan - Iska horimaadyo qowmiyadeed ayaa sababay dhimashadda in ka badan 56 qof afartii maalmood ee lasoo dhaafay gudaha Koonfurta Suudaan gaar ahaan bariga gobolka Jonglei.

Isku-dhaca ayaa yimid kaddib markii dhallinyaro ka tirsan beesha Nuer ay weerar ku qaadeen qowmiyad kale, sida uu sheegay sarkaal maxalli ah oo ay soo xigatay warbaahinta caalamka.

Dhulka Koonfurta Suudaan oo xornimada ka qaatay Suudaan sannadkii 2011-kii ayaa waxaa muddo tobanaan sano ah ka taagnaa colaado dhiig iyo colaado isugu jira oo la xiriira xoolaha iyo dhulka.

"Dhalinyaro hubaysan ayaa bilaabay inay weeraraan beesha Murle 24-kii Disembar ee ismaamulka Gumuruk iyo ismaamulka Likuangole," ayuu yiri Abraham Kelang, oo ah sarkaal ka tirsan dowlada.

Kelang OO khadka taleefanka ugu waramay Reuters Talaadadii ayaa ku daray: "Dowladdu waxay maareyneysaa inay caawiso beelaha, laakiin dagaalku weli wuu socdaa".

Todobaadki hore, howlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay (UNMISS) ayaa shaaca ka dhigay in dhalinyarada Nuer ee hubeysan loo abaabulayo ka hor duulaan ka dhan ah Murle.

UNMISS waxay carabka ku adkeysay inay la socoto xiisadaha iyo rabshadaha sii xoogaysanaya, waxayna xoojiyeen roondada ay ka sameynayaan goobaha ay dhibaatadu ka dhacday iyo goobaha ku teedsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM