South Sudan: In ka badan 50 qof oo lagu dilay isku-dhac qabiil

Image
Qaramada Midoobay ayaa ka digtey qulqulatooyinkan todobaad kahor inta aysan dhicin.

JUBA, South Sudan - Iska horimaadyo qowmiyadeed ayaa sababay dhimashadda in ka badan 56 qof afartii maalmood ee lasoo dhaafay gudaha Koonfurta Suudaan gaar ahaan bariga gobolka Jonglei.

Isku-dhaca ayaa yimid kaddib markii dhallinyaro ka tirsan beesha Nuer ay weerar ku qaadeen qowmiyad kale, sida uu sheegay sarkaal maxalli ah oo ay soo xigatay warbaahinta caalamka.

Dhulka Koonfurta Suudaan oo xornimada ka qaatay Suudaan sannadkii 2011-kii ayaa waxaa muddo tobanaan sano ah ka taagnaa colaado dhiig iyo colaado isugu jira oo la xiriira xoolaha iyo dhulka.

"Dhalinyaro hubaysan ayaa bilaabay inay weeraraan beesha Murle 24-kii Disembar ee ismaamulka Gumuruk iyo ismaamulka Likuangole," ayuu yiri Abraham Kelang, oo ah sarkaal ka tirsan dowlada.

Kelang OO khadka taleefanka ugu waramay Reuters Talaadadii ayaa ku daray: "Dowladdu waxay maareyneysaa inay caawiso beelaha, laakiin dagaalku weli wuu socdaa".

Todobaadki hore, howlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay (UNMISS) ayaa shaaca ka dhigay in dhalinyarada Nuer ee hubeysan loo abaabulayo ka hor duulaan ka dhan ah Murle.

UNMISS waxay carabka ku adkeysay inay la socoto xiisadaha iyo rabshadaha sii xoogaysanaya, waxayna xoojiyeen roondada ay ka sameynayaan goobaha ay dhibaatadu ka dhacday iyo goobaha ku teedsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM