Suudaan: Dad shacab ah oo ku dhamaadey duqeymo cusub

Image
Dagaalkan oo ka qarxay caasimadda Khartoum 15-kii April, kuna fiday gobolka Daarfuur dabayaaqadii bishan.

KHARTUUM, Suudaan - Ugu yaraan 16 qof oo rayid ah ayaa lagu soo warramay in ay ku dhinteen gantaallo ay ciidammada Suudaan iyo kuwa Rapid Support Forces (RSF) isku-weydaarsadeen gobolka ay dagaalladu aafeeyeen ee Darfur, kuwaas oo ay ka dhaceen rabshadihii ugu xumaa tan iyo markii uu dagaalku billowday bartamihii Abriil.

Sabtidii, ururka qareenada maxalliga ah ayaa waxay shaaca ka dhigeen in duqeymaha cusub ay ka dhaceen magaalada Nyala, oo ah caasimadda gobolka Koonfurta Darfur.

Ururka Qareenada Daarfuur ayaa sheegay in dagaalkaasi uu sababay dhimashada 16 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan qoys dhan, kuwaas oo ay ku waayeen dhammaan xubnahooda marka laga reebo hal qof oo dhaawac ah.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in kooxo ay bartilmaameedsadeen dadka ku nool Galbeedka Darfur, oo ay ku jirto caasimaddeeda El-Geneina, oo u dhow Chad, tobanaan kun oo qof oo degganaa ayaa ka qaxay xadka.

Dagaallada ka socda gobolka ballaaran, oo ay horey u aafeeyeen iskahorimaadyo bahalnimo ah horraantii 2000-meeyadii, ayaa sii xoogeystay tan iyo bartamihii bishii April markaasoo jeneraalada iska soo horjeeda ee Suudaan ay bilaabeen inay u tartamaan awoodda.

Dagaalkan oo ka qarxay caasimadda Khartoum 15-kii April, kuna fiday Daarfuur dabayaaqadii bishan, ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan 3,000 oo qof guud ahaan Suudaan, sida lagu sheegay qiyaas muxaafid ah.

Dagaallada ayaa sidoo kale ka socday Khartoum iyo nawaaxigeeda. Dadka deegaanka ayaa soo sheegay Sabtidii duqeymihii ugu horeeyay ee ciidamada cirka ay ku qaadeen tuulooyin ku yaala waqooyiga gobolka Gezira, oo dhanka koonfureed ka xiga caasimadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM