Suudaan: In ka badan 50 qof oo lagu dilay weerar gaadmo ah

Image
Qulqulatooyinkan ayaa lagu waramay in ay salka ku haayaan is-qabqabsi dhul oo muddo soo taagnaa.

NAIROBI, Kenya - Kooxo hubeysan ayaa weerar ku qaaday tuulooyin ku yaala gobolka qaniga ku ah saliida ee Abye oo ay wada sheegtaan Sudan iyo South Sudan.

Falkan waxaa ku dhintay ugu yaraan 52 qof, oo ay ku jiraan nabad ilaaliyaal ka tirsan Qaramada Midoobay, 64 kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan gobolka.

Sababta loo weeraray fiidnimadii Sabtida ayaan si rasmi ah loo ogeyn, balse waxaa la tuhunsan yahay inay ku lug leedahay muran dhul, sidda Bulis Koch, oo ah wasiirka warfaafinta Abyei, uu u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press.

Rabshado qowmiyadeed oo dhimasho badan dhaliyay ayaa caan ka ahaa gobolka, halkaas oo xubnaha qabaa'ilka Twic Dinka ee ka soo jeeda gobolka Warrap ee deriska la ah ay isku haystaan ​​Ngok Dinka oo ka soo jeeda Abyei.

"Kuwa weerarka geystay Sabtidii waxay ahaayeen dhallinyaro hubaysan oo ka soo jeeda qabiilka Nuer oo u guuray gobolka Warrap sannadkii hore daadad ka dhacay deegaannadooda," ayuu yidhi Koch.

Sudan iyo South Sudan ayaa isku khilaafay maamulka gobolka Abyei tan iyo markii heshiis nabadeed 2005 lagu soo afjaray dagaal sokeeye oo tobanaan sano socday oo u dhexeeyay waqooyiga iyo koonfurta Sudan.

Suudaan iyo Koonfurta Suudaan waxay sheeganayaan lahaanshaha Abyei, kaasoo aan xal loo helin ka dib markii Koonfurta Suudaan ay ka go'day Suudaan 2011.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM