Sudan iyo Israel oo "ku heshiiyey" in ay yeeshaan xiriir diblumaasiyadeed

Image

WASHINGTON, US - Dowladaha Suudaan iyo Israa'iil ayaa ku heshiiyey in ay yeesheen cilaaqaad dhanka diblumaasiyadda, sidda uu Jimcada maanta ah ku dhawaaqay madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.

Trump oo tibaaxay in uu la hadlay hogaamiyeyaasha labada waddan ayaa aaminsan in Falastiiyiinta ay doonayaan in ay ku dhaqaaqan talaabo noocaan ah, wallow uusan soo bandhigin caddeymo maangal ah.

"Suudaan waxay aqoonsaneysaa Israa'iil iyaddoo ku biireysa Baxreyn iyo Imaaraadka Carabta," ayuu daaha ka rogay, inkasta oo uusan soo bandhigin goorta ay madaxda labada waddan si rasmiya u kulmi doonan.

Wargeyska xukuumadda Tal Aviv aadka ugu dhow ee Israel Hayom ayaa mas'uul uusan magacaabin wuxuu kasoo xigtay in labada waddan ay heshiiska ku dhawaaqi doonan horaanta asbuuca nagu soo fool leh.

Talaabadan ayaa kusoo hagaageysa maalmo kadib markii wafuud ka kala socotay Washington iyo sirdoonka Yahuuda ay ka dageen Khartuum iyagoo la kulmay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Suudaan.

Shaacintan dharbaaxada ku ah shacabka Falastiin ayaa kusoo hagaageysa todobaad kadib markii Mareykanka uu Suudaan ka saareysa dalalka taageera argagixisada oo lagu daray intii xukunka uu hayey Cumar Al-Bashiir.

Tani ayaa la macno ah in ogolaanshiyaheeda xiriir ay la yeelato Israa'iil ay ku bedelatay in laga saaro liiskaas oo ay kaga xayirneyd maalgelin caalami ah iyo in ay wadashaqeyn la yeelato hay'addaha maaliyadda aduunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM