Suudaan oo hakisay la macaamilka urur goboleedka IGAD

Image
Suudaan ayaa ku wargelisay Djibouti diidmada martiqaadka hoggaamiyaha maleeshiyada RSF.

Khartoum (GO) - Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan ayaa ku dhawaaqday in ay hakisay la macaamilka urur goboleedka IGAD, waxayna ku eedeeysay in uu ku xadgudubay madax-banaanida Suudaan.

Wasaaraddu waxay sheegtay in tallaabadan ay timid ka dib casuumaad uu ururka IGAD u fidiyay taliyaha ciidammada taageerada degdegga ah, Hamdan Dagalo, si uu uga qaybgalo shir madaxeed ka dhacaya Uganda.

Wasaaradda ayaa warsaxaafadeedkeeda Talaadadii ku sheegtay inay ku wargelisay Djibouti, oo haya xilka madaxtinimo ee IGAD, diidmada martiqaadka hoggaamiyaha maleeshiyada,.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri: “Suudaan waxay u aragtay tallaabadaasi xad-gudub ka dhan ah madax-bannaanideeda, Axdiga IGAD, iyo xeerarka u degsan ururrada caalamiga ah iyo kuwa gobolka”.

Dagaalka u dhexeeyey ciidamada Sudan iyo xoogaga Taageerada degdega ah ayaa bilawday bishii April 2023kii, ka dib todobaadyo ay labada dhinac u dhaxaysay xurguf ka dhalatay is afgaranwaa ka dhashay qorshaha la doonayo in ciidamada Taageerada degdega ah lagu biiriyo ciidamada militariga.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM