Suudaanta Koonfureed: Isku-dhac qabiil oo galaaftay 39 qof

Image
South Sudan waxay ku qaadatay kala bar nolosheeda qaran ahaan dagaal, gaajo iyo abaaro.

JUBBA, South Sudan - Ugu yaraan soddon iyo sagaal qof ayaa ku dhintay tobanaan kalena way ku dhaawacmeen rabshado u dhexeeya kooxo xoolo-dhaqato ah oo ku nool Koonfurta Suudaan, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaas.

Iska horimaadka dhacay Arbacadii todobaadkii lasoo dhaafay ayaa sababay dhimashada 19 qof oo xoolo dhaqato ah oo ka soo jeeda waqooyi-galbeed ee Warrap.

Madaxa warfaafinta ee gobolka, William Wol Mayom Bol, ayaa waxa uu xaqiijiyay tirokoobkaas, isaga oo intaas intaa ku daray in 17 qof ay ku dhaawacmeen rabshadaha.

Khasaaraha ka dhashay gobolka harada ee deriska la ah ayaa ahaa "20 qof ayaa ku dhintay, 36 kalena waa ku dhaawacmeen, waxaana weli la la'yahay hal qof," ayuu yiri afhayeenka booliiska, Major Elijah Mabor Makuac.

Mid ka mid ah dalalka ugu faqiirsan meeraha in kasta oo kayd saliid badan uu leeyahay, South Sudan waxay ku qaadatay kala bar nolosheeda qaran ahaan dagaal.

Sidoo kale, waxaa xaaladda dalkan aad uga sii daray masiibooyinka dabiiciga ah ee joogtada ah sidda gaajada, burburka dhaqaale iyo colaadda u dhaxeysa beelaha.

Toddobaadkii hore, dagaal u dhexeeya beelo iska soo horjeeda oo ku nool gobol ay isku-hayaan Suudaan iyo Koonfurta Suudaan ayaa galaaftay ayaa waxaa ku dhintay 54 qof, oo ay ku jiraan laba ka mid ah askarta Qaramada Midoobay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM