Suudaanta Koonfureed: Isku-dhac qabiil oo galaaftay 39 qof

Image
South Sudan waxay ku qaadatay kala bar nolosheeda qaran ahaan dagaal, gaajo iyo abaaro.

JUBBA, South Sudan - Ugu yaraan soddon iyo sagaal qof ayaa ku dhintay tobanaan kalena way ku dhaawacmeen rabshado u dhexeeya kooxo xoolo-dhaqato ah oo ku nool Koonfurta Suudaan, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaas.

Iska horimaadka dhacay Arbacadii todobaadkii lasoo dhaafay ayaa sababay dhimashada 19 qof oo xoolo dhaqato ah oo ka soo jeeda waqooyi-galbeed ee Warrap.

Madaxa warfaafinta ee gobolka, William Wol Mayom Bol, ayaa waxa uu xaqiijiyay tirokoobkaas, isaga oo intaas intaa ku daray in 17 qof ay ku dhaawacmeen rabshadaha.

Khasaaraha ka dhashay gobolka harada ee deriska la ah ayaa ahaa "20 qof ayaa ku dhintay, 36 kalena waa ku dhaawacmeen, waxaana weli la la'yahay hal qof," ayuu yiri afhayeenka booliiska, Major Elijah Mabor Makuac.

Mid ka mid ah dalalka ugu faqiirsan meeraha in kasta oo kayd saliid badan uu leeyahay, South Sudan waxay ku qaadatay kala bar nolosheeda qaran ahaan dagaal.

Sidoo kale, waxaa xaaladda dalkan aad uga sii daray masiibooyinka dabiiciga ah ee joogtada ah sidda gaajada, burburka dhaqaale iyo colaadda u dhaxeysa beelaha.

Toddobaadkii hore, dagaal u dhexeeya beelo iska soo horjeeda oo ku nool gobol ay isku-hayaan Suudaan iyo Koonfurta Suudaan ayaa galaaftay ayaa waxaa ku dhintay 54 qof, oo ay ku jiraan laba ka mid ah askarta Qaramada Midoobay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM