Taliyaha booliiska Kenya oo si maldahan u difaacay Axmed Rashiid

Image

NAIROBI, Kenya – Taliyaha booliiska Kenya Japhet Koome ayaa ciidanka booliiska dalkaasi u sheegay in ay adeegsadaan hubkooda, isagana difaacaan tuugada, isaga oo waxbo kama jiraan kasoo qaaday eedeymaha hay’adda IPAO oo ah tan kormeerta tacadiyada ciidanka.

Hadalkan ayaa loo fasirtay in uu taliyaha ku difaacayo askariga Soomaaliga ah Axmed Rashiid oo loo haysto dacwad la xiriirta tuugo uu shaarica ku laayay.

Dacwadda Axmed Rashiid ayaa dhagaysigeeda dib loogu dhigay bisha Janaayo, waxaase la fahamsanyahay in dowladda Kenya ay taageersantahay Axmed, islamarkaasna isku dayayso in ay ka badbaadiso caddaaladda.

Shacab is abaabuley oo isugu jira qoowmiyadaha kala duwan ee Kenya ayaa u doodaya Axmed Rashiid oo ay ku amaaneen in uu wax weyn ka qabtay amniga degmada Kamakuunji ee Nairobi oo ay xaafadda Islii qeyb ka tahay.

Madaxa Hay’adda IPAO Anna Makori ayaa dhaleecayn dusha uga tuurtay taliyaha booliiska, iyada oo ugu baaqday booliiska in ay u hoggaansamaan sharciga, islamarkaasna ay tixgaliyaan xuquuqda muwaadhiniinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM