Taliyaha Ciidanka Uganda: Soomaaliya oo xasiloon waa xasiloonida Afrika

Image

KAMPALA, Uganda – Kadib burburkii ka dhashay dagaalkii sokeeye ee 1991-dii, Soomaaliya ayaa kasoo kabaneysa colaado galaaftay nolosha shacab badan, inkasta oo wejiyo kala duwan ay lahaayeen.

Marka loo eego goobta uu dalkan uga yaalo Afrika, hubanti la’aan ah wuxuu muhiim u yahay mandiqadda, waana sababta loo yiraahdo wax kasta oo ku dhaca, way saameynayaan wadama kale ee qaarada.

Isaga oo taasi ka duulaya, taliyaha Ciidamadda Difaaca ee Uganda, David Muhoozi, ayaa xoojiyey ahmiyadda ay leedahay in caqabadaha ay wajaheyso qaaradda si wadajir ah wax looga wada qabto.

"Kordhinta xorreynta Afrika, waa niyadda aan u aadnay Soomaaliya. Soomaaliya oo xasiloon waa xasiloonida Afrika," ayuu Muhoozi ka sheegay munaasabad ka qabsoontay magaaladda Kampala, Jimcadii.

Xafladda oo marti sharaf kala duwan ay kasoo muuqatay ayaa lagu soo dhaweeyay 2,000 oo askar kuwaasi oo kasoo laabtay Soomaaliya kadib markii uu waqtigooda u soo dhamaadey.

Ciidamada Muqdisho ka degay oo tiradooda ay gaareysay shan boqol ayaa waxaa ka tirsanaa Ilaaladda Gaarka ah ee shaqaalaha Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa.

"Inagga oo ku mahdineynay in Afrika ay leedahay quluub, iska dhowreyna daneysasho, waxaan haatan arkaynaa horumar ay Soomaaliya sameynayso, kaasi oo xowli ku socda," ayuu kusoo xiray.

Uganda ayaa kamid ah dalalka ciidamadda ku taageeray howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kaasi oo waddanka ka bilowday sanadkii 2007-dii, wallow aad loo dhaliilo wax-qabadkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Salva Kiir oo Eryay Taliyihii Ciidanka iyo Wasiirkii Maaliyadda

Dalkan oo ah midka ugu da'da yar Afrika, ayaa tan iyo iyo markii ka go'ay Sudan wuxuu lugaha kula jiraa dagaalo.

  • Afrika

    07-05-2026

  • 08:29PM

Mareykanka oo qorsheynaya inuu ka qaado cunaqabataynta dalka Eritrea xilli ay taagan tahay xiisadda Badda Cas

Sannadkii 2021-kii, maamulka Madaxweyne Joe Biden ayaa cunaqabatayn baahsan saaray xisbiga talada haya ee Eritrea.

  • Afrika

    06-05-2026

  • 12:25PM