Taliyaha cusub ee ciidamadda Kenya oo booqasho ku yimid Soomaaliya

Image
Image

NAIROBI, Kenya – Taliyaha cusub ee ciidamadda difaaca Kenya, Jeneraal Robert Kibochi, ayaa shalay wuxuu booqasho abaabulan ku yimid gudaha Soomaaliya gaar ahaan degaanadda maamul goboleedka Jubbaland.

Kibochi ayaa kulan is-dhexgal iyo is-barasho ah wuxuu la qaatay askarta iyo saraakiisha ciidamadda KDF-ta ee ku sugan fariisinkooda tuulooyinka kala ah; Afmadhow, Billis Qooqani, Tabda iyo Hoosingow.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska KDF-ta ayaa lagu sheegay in socdaalka taliyaha ay dhiiragelin u tahay ciidamadda oo qeyb ka ah howlgalka nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika uu ka wado dalka.

Kormeerka Jeneraal Robert Kibochi oo noqonaya midkii ugu horeeyay tan iyo markii bishii hore xilkaas loo magacaabay ayaa markii ugu dambeysay waxay ahayd 2018-kii waqtigaas oo taliye uu ahaa.

"Maalintiisii 37aad tan iyo markii loo magacaabay Taliyaha Ciidamadda Difaaca Kenya, General Robert Kibochi, wuxuu booqdey askarta KDF ee Soomaaliya kuna howlgalaya AMISOM. Wuxuu la kulmay askarta ku sugan; Afmadhow, Billis Qooqani, Tabda, and Hoosingow," ayuu yiri.

Waxaa la raaciyey: "Socdaalkiisa maanta wuxuu dhiiragelinayaa ciidamadda, wuxuuna xaqiijinayaa doorka muhiimka ah ee askarta KDF-ta ee howlgalka AMISOM si ay xasilooni u siiyaan Soomaaliya".

Ciidamadda Kenya oo soo galay Soomaaliya 2011-kii si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab ayaa dib kaga biirey howlgalka AMISOM. Joogitaankooda wuxuu ku badan yahay Jubbaland oo xuduud la leeyihiin.

Booqashadda Jeneraal Robert Kibochi ayaa kusoo hagaageysa xilli ay jiraan warar sheegaya in Kenya ay naqshadeysay qaabka ay ciidamadeeda ugala bixi lahayd Soomaaliya, qorshahaas oo fulintiisa lagu guda jiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM