Taliye cusub oo loo magacaabay Ciidamadda Difaaca dalka Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa taliye cusub u magacaabay Ciidamadda Difaaca Waddankaas, sidda uu ku waramay jaraa'idka maxaliga ah ee Daily Nation.

Jeneraal Robert Kibochi oo laga dhigay taliyaha cusub isla markaana bedelaya Samson Mwathethe ayaa qorshuhu yahay in uu xafiiska la wareego maalinta Isniinta ee todobaadkan.

Sarkaalkan ayaa wuxuu noqonayaa taliyihii 10aad ee soo mara Ciidamadda Difaaca Kenya oo magacooda loosoo gaabiyo KDF.

Sidda ku xusan warbixinta wargeyska, Levi Mghalu ayaa sidoo kale loo magacaabay ku xigeenka Taliyaha Ciidamadda Kenya.

Kenyatta, wasiirka gaashaandhiga, Monica Juma, iyo taliyaha xafiiska faarujinaya ee Samson Mwathethe ayaa lagu wadaa in ay kasoo muuqdaan munaasabada dhaarinta Kibochi.

Robert Kibochi oo buug ka qoray waaya-agaranimadiisa dagaalkii ay ciidanka Kenya kula galeen Al-Shabaab gudaha Soomaaliya ayaa soo jeediyey in isbedel lagu sameeyo xeelada milatari.

Wallow ay haatan qorsheynayaan in ay ka hayaamaan, ciidamada Kenya ayaa Soomaaliya soo galay 2011-kii. Inkastoo aysan xilligaas qayb ka ahayn howlgalka AMISOM, dib ayay kaga biireen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM