Tanzania: In ka badan 63 qof oo ku nafwaayay daadad soo rogmaday

Image
Guryo, kaabayaasha dhaqaalaha iyo dhul-beereed ayaa sidoo kale waxyeelo soo gaartay.

NAIROBI, Kenya - Tirada dadka ku nafwaayay fatahaadaha iyo dhul go’a ee waqooyiga Tanzania ayaa gaartay 63 qof, sidda laga soo xigtay warbixinta warbaahinta maxaliga ah.

Si wax looga qabto saameynta roobabka mahiigaanka ah, madaxweyne Samia Suluhu Hassan ayaa soo gaabineysa ka qeyb galka shirka cimilada COP28 ee ka dhacaya magaalada Dubai.

Guryo, kaabayaasha dhaqaalaha iyo dhul-beereed ayaa sidoo kale waxyeelo soo gaartay. Fatahaadyadda waxay kamid yihiin cawaaqibka ka dhashay isbadalka cimiladda.

Daadad baaxad leh ayaa ku soo rogmanaya waddamo ku yaalla bariga Afrika oo ay kamid tahay Soomaaliya, iyadoo ay qayb ka tahay dhacdada cimilada El Nino.

Dowladda Tanzania ayaa sheegtay in 400 oo shaqaale samatabbixin ah loo diray degmada Hanang ee waqooyiga dalkaasi si ay qeyb uga noqdaan dadaaladda naf-badbaadinta.

Si kastaba ha ahaatee, samatabbixiyeyaashu waxay ku shaqeynayaan xaalado adag, sida isgaarsiinta cilladaysan iyo jidad go'ay, burburay, sidda uu xaqiijiyey afhayeen u hadlay dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM