Tanzania oo goobaysa dad faafiyay "inuu dhintay" mas'uul nool

Image
Madaxweyne ku xigeenka dalkaas, Philip Mpango, ayaa sababo caafimaad muddo uga maqnaa shaashadaha warbaahinta.

NAIROBI, Kenya - Mas'uuliyiinta Tansaaniya ayaa baaraya dadka isticmaala baraha bulshada ee lagu eedeeyay in ay faafiyeen xog been ah oo ku saabsan caafimaadka madaxweyne ku xigeenka dalkaas, Philip Mpango.

Mr Mpango ayaa dib u soo muuqdey Axadii ka dib markii uu ka maqnaa indhaha dadweynaha in ka badan bil, taasoo soo afjartey xanta baahdey oo ku saabsan dhintay.

Wasiirka warfaafinta waddankaas, Nape Nnauye, ayaa waxa uu amar ku bixiyay in baaritaanno lagu sameeyo dadka faafiyay wararka la isla dhexmarayo.

Mr Mpango oo kasoo muuqdey warbaahinta maxlaiga ah ayaa carabka ku adkeeyay in uu dhaawac ka soo gaaray wararka been abuurka ah ee lagu faafiyay baraha bulshada.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa markii ugu dambeysay lagu arkay meel fagaare ah 31-kii Oktoobar isaga oo wakiil ka ah Madaxweyne Samia Suluhu Hassan intii lagu guda jiray kulan dhanka taleefoonka ah oo ay lahaayeen hogaamiyayaasha Bulshada Horumarinta Koonfur Afrika.

Soo muuqashadda madaxweyne ku xigeenka iyo wararka xanta ah ee ku xeeran maqnaanshihiisa ayaa siyaabo kala duwan looga hadlay marka la joogo baraha bulshadda ee dalkaas.

Dadka qaar ee adeegsada baraha bulshadda ayaa ku doodaya in arrintan ay si khaldan u maamushay markii ay dawladdu ka gaabisay inay xog cad ka bixiso halka uu ku sugan yahay.

Maqnaanshihiisa ayaa sidoo kale waxa ay dhalisay walaac baahsan, iyadoo Ra'iisul Wasaare Kassim Majaliwa uu horay uga digay muwaadiniinta wararka la isla dhexmarayo wuxuuna ku waaniyay in ay feejifnaadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka oo Uganda siinaya taageero milatari oo dhan $53 milyan

Qalabkan ayaa la filayaa inuu sare u qaado awoodda ciidamada Uganda ee ilaalinta biyaha iyo ka jawaabista xaaladaha amni.

  • Afrika

    25-10-2026

  • 04:58AM

Dagaalka Moyale oo sii xoogeysanaya, kumannaan qofna u qaxey dalka Kenya

Si kastaba, saraakiisha gargaarku waxay ka digayaan in sahayda jirta aysan dabooli karin baahida sii kordheysa.

  • Afrika

    25-10-2026

  • 04:47AM