Tirada dhimashada xasaradaha Koonfur Afrika la shaaciyey

Image
Image
Image

CAPE TOWN, South Africa - Dibadbaxayaashu ayaa fooda daray ciidamada ammaanka dhowr degmo oo ku yaala waddanka Koonfur Afrika waxayna bililiqeystayaashu weerareen xarumaha laga dukaameysto maalintii Talaadada.

Jahwareerkan oo ka dhalatay saboolnimada iyo sinnaan la'aanta ayaa u muuqaneysa mid horseeday mid kamid ah qalalaasihii ugu xumaa ee sanado ka dhaca dalka, iyadoo tirada dhimashadu ay sii caga-cageyneyso illaa 72.

"Tirada guud ee dadka naftooda ku waayey tan iyo bilowgii mudaharaadyadan… waxay gaartay 72 qof," ayay booliisku ku sheegeen bayaan ay soo saareen galinkii dambe ee Talaadadii.

Dhimashooyinka ugu badan waxaa laga soo wariyey gobollada Gauteng iyo KwaZulu-Natal "waxay la xiriiraan qulqulqatooyinka dhacay intii ay socdeen dhacdooyinka dhaca dukaamada", ayaa lagu yiri warka qoraalka ah, iyadoo kumanaan qof ay boobeen raashinka, qalabka korontada, khamradda, dharka dukaamada iyo ATM-yada bangiga.

Booliska ayaa sheegay in 27 qof oo dhimasho ah laga baarayo gobolka KwaZulu-Natal halka 45 kalena laga baarayo gobolka Gauteng

Saraakiisha ammaanka ayaa daaha ka rogay in dowladda ay ka shaqeyneyso sidii loo hubin lahaa in rabshadaha iyo bililiqeyntu aysan u sii faafin, laakiin ay joojiyeen ku dhawaaqida xaalad deg deg ah.

"Xaddiga farxadda ama duruufaha shaqsiyadeed ee ka imanaya dadkeenna xaq uma siinayo qof walba inuu wax bililiqeysto, waxyeelleeyo una sameeyo sida ay iyagu jecel yihiin uuna jebiyo sharciga," ayuu yiri taliyaha booliiska Bheki Cele oo shir jaraa'id qabtay.

Rabshadaha ayaa ka dhashay xarigga madaxweynihii hore Jacob Zuma iyadoo taageerayaashiisa ay isugu soo baxeen waddooyinka todobaadkii la soo dhaafay, balse xaaladdu waxay isu bedeshay carro ka dhalatay saboolnimo baahdey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM