Tirada geerida rabshadaha South Africa oo korortay

Image

CAPE TOWN, South Africa - Dowladda Koonfur Afrika ayaa Arbacadii dalbatay 25,000 oo askari oo lagu xakameeyo rabshadaha ka socda dalkaas oo galay maalintii toddobaad, xilli ay jiraan cabsiyo la xiriira cunno iyo biyo yari.

72 qof ayaa la dilay in ka badan 1,200 oo kalena waa la xiray, tan iyo markii ay rabshadaha billowdeen kadib markii madaxweynihii hore ee dalkaas Jacob Zuma ay billaabatay 15 bilood oo xabsi ah, taasi oo dhalisay dibad-baxyo isku rogay rabshado.

Bililiqo xooggan ayaa saameeyey badeecadihii iyo qadadkii gaadiidka ee gobolka koonfurta bari ee KwaZulu, taasi oo kadibna saameysay dalka oo dhan.

Dowladda ayaa sheegtay in 208 dhacdo oo bililiqo iyo burburin la diiwaan-geliyey Arbacadii, ayada oo ciidamada ay daad-gureysay dowladda ay gaareen 5,000.

Hase yeeshee wasiirka gaashaandhigga Nosiviwe Mapisa-Nqakula ayaa goor dambe baarlamanka u sheegtay “inay gudbisay codsi ay ku dooneyso 25,000 oo askari oo kale.” Daad-gureynta ciidamada ayaa waxaa ansixiyey madaxweynaha.

Wasiirka ma aysan sheegin haddii ciidamadan lagu daadin doono waddooyinka balse warar soo baxaya waxay tibaaxayaan in ay jiraan qorsheyaal lagu kordhinayo ciidamada lagu daabulay jidadka.

Dowladda Koonfur Afrika ayaa waxaa saaran cadaadis aad u xooggan oo lagu dalbanayo inay kordhiso ciidamada waddooyinka si loo qaboojiyo rabshadaha oo dhulka lasii galaya dhaqaalaha dalkaas oo markii horeba xumaa.

GO + VOA

Related Articles

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM

Ismaaciil Cumar Geelle Oo Markii Lixaad Ku Guuleystay Doorashada Jabuuti

Wax yar kadib markii natiijooyinka hordhaca ah la shaaciyay, Guelleh oo 78 jir ah ayaa ku qoray “Reelected” bartiisa ku taal X.

  • Afrika

    11-04-2026

  • 12:44PM