Tirada geerida xasuuqa Galbeedka Itoobiya oo korortay

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Tirada dadka ku dhintay weerar Arbacadii ka dhacay galbeedka gobolka Benishangul-Gumuz ee dalka Itoobiya ayaa gaartay 207 qof, sidda uu sheegay mutadhawac ka tirsan hay’adda Laanqayrta Cas.

"Shalay waxaan aasnay 207 qof oo dhibanayaal ah iyo 15 kale oo ka mid ah kuwii weerarka soo qaaday," ayuu yiri tabaruce Melese Mesfin oo la hadlayey wakaaladda wararka ee Reuters Jimcaha todobaadkii lasoo dhaafay.

Weerarku wuxuu ka dhacay tuulada Bekoji oo ka tirsan degmada Bulen ee aagga Metekel. Guddiga xuquuqul insaanka Itoobiya ee dowladdu magacowday ayaa markii hore qiyaasey in ugu yaraan 100 qof la diley.

Dhanka kale, ku dhowaad 40,000 oo qof ayaa ka qaxay guryahooda dagaalka awgiis, sidda uu sheegay afhayeenka ismaamulka Bulen Kassahun Addisu.

Xasuuqa Arbacadii oo ay geysteen dabley aan haybtooda la aqoon ayaa ahaa weerarkii ugu dambeeyay ee lagu hoobto ee ka dhacay aagan u muuqda mid ay ka jirto rabshado qowmiyadeed.

Ra'iisul wasaare Abiy Ahmed wuxuu ku tilmaamay weerarka "xasuuq" wuxuuna maalintii xigtay halkaa geeyay ciidamo federaal ah. Milatariga waxay dileen 42 nin oo hubeysan oo lagu eedeeyay inay weerareen tuulada.

Tan iyo bishii September, waxaa jiray mowjado rabshado wata oo loo geysanayay xubnaha Amxaarada, Shinasha, Oromada iyo Agew ee gobolka, waxaana weeraradaas qeyb ka yihiin loolanka qowmiyaded ee waddanka ka jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Daahfurka GERD: Itoobiya oo Dib u Hanatay Awood Goboleed, Inkastoo Khilaafka Biyuhu Weli Taagan Yahay

Caqabadaha u baahan in la xalliyo si dalalka isticmaala biyaha wabiga Nile xal looga gaaro….

  • Afrika

    11-09-2025

  • 10:40AM

Wafdiga ECOWAS oo ka baxay Guinea-Bissau kadib hanjabaad uga timid Madaxweynaha dalka

Madaxweyne Embalo weli kama uusan jawaabin eedeynta kasoo yeertay ECOWAS, oo ah urur dhaqaale oo ka jira Galbeedka Afrika.

  • Afrika

    11-09-2025

  • 07:21AM