Tiradda booliska Kenya ee AlShabaab dishay 2018-kii oo la shaaciyey

Image

NAIROBI, Kenya – Taliska ciidamadda Booliska waddanka Kenya ayaa wuxuu soo bandhigay khasaaraha dhimasho ee soo gaarey sanadkii tegay ee 2018-kii.

Warbixin lasoo sii daayey Jimcadii, 13-ka September 2019, ayaa lagu shaaciyey in 65-sarkaal oo boolis ah ay kaga geeriyoodeen weerarada la xiriira argagixisada.

Si gaar ah, weerarada ka dhacay degaanada ku teedsan xuduudka Soomaaliya ayaa waxaa ku naf-waayey ku dhowaad 23 sarkaal oo bileys ah, sida ku xusan qormada.

Dhimashooyinkii ugu badnaa

Bishii June, sideed sarkaal ayaa waxaa lagu khaarijiyey kadib weerar qarax Miino ah oo ay xoogaga AlShabaab mas’uuliyadiisu dusha saarteen.

Isla weerar noocaan oo kale ah, 12-sarkaal ayaa lagu naf-gooyey bartamihii sanadkan 2019. Maleshiyadka ku xiran ururka Al-Qaacida ayaa lagu eedeeyay.

Sikastaba, warbixinta ayaa waxay tahay mid si sanadle ah loosoo saaro, waxaana ay sanadkan ay dhimashu gaareysaa 35%.

Kenya ayaa weeraro kala kulmeysay Al-Shabaab tan iyo markii ciidamada wadankaasi ay 2011-kii soo galeen Soomaaliya iyaga oo qeyb ka ah AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo qorsheynaya inuu ka qaado cunaqabataynta dalka Eritrea xilli ay taagan tahay xiisadda Badda Cas

Sannadkii 2021-kii, maamulka Madaxweyne Joe Biden ayaa cunaqabatayn baahsan saaray xisbiga talada haya ee Eritrea.

  • Afrika

    06-05-2026

  • 12:25PM

Muhaajiriinta Afrikaanka ah ee ku nool South Africa oo wajahaya cabsi iyo weerarro ajnabi-nacayb ah

Dawladda Nayjeeriya ayaa durba bilowday qorshe ay dib ugu celinayso muwaadiniinteeda doonaya inay dalka ka baxaan.

  • Afrika

    06-05-2026

  • 12:13PM