Tiradda dhimashada colaada Suudaan oo dhaaftay 500 ruux

Image
Dowladaha caalamka ayaa diblumaasiyiinta iyo muwaadiniintooda waxay kala baxeen guud ahaan dalkan gaar ahaan caasimada.

KHARTUUM, Suudaan - Tirada dhimashada ee iska horimaadyada socda ee u dhexeeya ciidamada Suudaan iyo xoogaga gurmadka degdega ah (RSF) ayaa gaartay 528, sidda ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Sabtidii.

War ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in 4,599 qof ay sidoo kale ku dhaawacmeen rabshadihii dhacay intii u dhaxeysay 15-kii Abriil ilaa 27-kii Abriil.

Wasaaraddu ayaa waxay mar sii horreysay sheegtay in tirada dadka ku dhintay rabshadaha socda ay gaarayaan 512, halka 4,193 kalena ay ku dhaawacmeen.

Sidda laga soo xigtey war-saxaafadeedka, illaa 12 kamid ah 18-ka dowlad goboleed ee Suudaan waxaa ka dhacay isku dhacyo u dhexeeya labada dhinac ee iska soo horjeeda.

Iska-hor-imaadyo soo cusboonaaday ayaa Sabtidii waxay dhex-mareen ciidamadda Suudaan iyo dagaalameyaasha RSF inkastoo xabbad-joojin saddex maalmood ah ay jirtay.

War qoraal ah oo ay soo saartay RSF ayaa lagu caddeeyay in ay ku soo rideen diyaarad milatari magaalada Omdurman oo ah magaalada mataanaha ah ee Khartoum.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay ciidanka Suudaan oo ku aadan sheegashada. Dhanka kale, dowladaha caalamka ayaa diblumaasiyiinta iyo muwaadiniintooda waxay kala baxeen guud ahaan dalkan gaar ahaan caasimada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM