Tiradda guud ee dhimashadda weerarka baska Kenya oo la shaaciyey

Image

NAIROBI, Kenya – Booliska Kenya ayaa sheegay in xubno looga shakisan yahay Al-Shabaab ay joojiyeen bas ku socdaalayey waqoyga dalkaas gaar ahaan meel ku dhow xadka Soomaaliya ayna dileen sideed ruux.

Dhamaan dadka la laayey ayaa ah Masiixiyiin, sidda lagu sheegay warbixin kasoo baxday Taliska booliska oo warbaahintu heshay. Wararka qaar ayaa geerida gaarsiinaya tobban qof.

Wakaaladda wararka AP ayaa ku warantay in dableyda ay joojiyeen baska isla markaana ay beegsadeen dadka aan u dhalan degaanka.

Fahfaahinta ayaa badi dadka la toogtay ku tilmaameysa saraakiil boolis oo kasoo laabtay saldhigyadda Ceelwaaq iyo Mandera.

Xoogaga Al-Shabaab ee fadhigoodu yahay Soomaaliya ayaa dusha saartay mas'uuliyadda falkaan.

Ururkan xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa shaaciyey in uu ku ciqaabi doono Kenya askarta ay u dirtay Soomaaliya ee ka tirsan AMISOM.

Mid kamid ah weeraradii ugu xumaa oo ay ka fuliso gudaha waddanka Kenya, Al-Shabaab ayaa sanadka markii uu ahaa 2014-kii afduubatay bas ku socdaalayey Mandera, waxayna dishay 28 ruux oo Masiixiyiin ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM