Tiradda ragga weeraray Hotel-ka Nairobi oo la shaaciyay iyo Kenya oo ka hadashay

Image
Image

NAIROBI, Kenya - Taliyaha ciidamada Kenya, Joseph Boinnet ayaa xaqiijiyay in weerar argagaxiso lagu qaadey dhismaha weyn ee ka kooban xafiisyada iyo hotel-ka DusitD2, ee ku yaalla galbeedka magaalada Nairobi.

Taliyaha ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtey Nairobi ayaa sheegay in rg hubeysan ay weerar ku qaadeen xarunta Dusti, ee degaanka Riverside, degmada Westlands, islamarkaana raggii weerarka soo qaaday ay ku jiraan gudaha dhismahaasi.

"Waxaan ka xunahay inaan xaqiijinyo in koox hubeysan ay weerareen Dhismaha Dusti, waa weerar argagaxiso, waxaa ka jawaabey ciidamada amaanka oo goobta xiray, iyagoo isku dayaya inay xaaladda caadi kusoo celiyaan," ayuu yiri Taliyaha.

Weerarka waxa uu billowday 3 p.m. [Sagaal saac galabnimo] waqtiga geeska Africa, waxaana uu ku billowday qaraxyo albaabka dhismaha ka dhacay, iyadoo ay xigtay rasaas xoog leh oo la maqlay.

Goobjooge ayaa sheegay inuu arkayay afar nin oo hubeysan oo gudaha u galaya dhismaha Dusti.

Taliyaha Booliska Kenya ayaa xaqiijiyay inay jiraan dhaawacyo soo gaarey dhowr qof, islamarkaana hadda dadka kasoo baxaya gudaha xarunta ay ciidamada ku baarayaan, si looga hortago in dableyda ay isku soo dhex-qariyaan.
 
Mid kamid ah ragga weerarka soo qaadey ayaa la sheegay in labo jeer uu booqday goobta maanta lagu duuley, iyadoo Kooxda Al-Shabaab ay sheegatay mas'uuliyadda dhacdadan oo lagu soo beegay sanad guuradii 3aad ee weerarkii Ceel-Cadde.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

WAR CUSUB: Congo oo diiday Qunsul ay Kenya u dirtay magaalada Goma oo Mucaaradka haysto

Fallaagada M23, oo marar badan lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah dadka rayidka ah, ayaa sanadkan ku fiday dhul ballaaran oo ku yaalla bariga Congo.

  • Afrika

    17-08-2025

  • 01:51PM

Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika oo Loo Magacaabay Taliye Cusub

Qaaradda Afrika waa mid leh dhaqaale si degdeg ah u kobcaya iyo bulsho da’yar ah oo rajo u ah dimoqraadiyadda.

  • Afrika

    16-08-2025

  • 09:02AM