Tiradda ragga weeraray Hotel-ka Nairobi oo la shaaciyay iyo Kenya oo ka hadashay

Image
Image

NAIROBI, Kenya - Taliyaha ciidamada Kenya, Joseph Boinnet ayaa xaqiijiyay in weerar argagaxiso lagu qaadey dhismaha weyn ee ka kooban xafiisyada iyo hotel-ka DusitD2, ee ku yaalla galbeedka magaalada Nairobi.

Taliyaha ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtey Nairobi ayaa sheegay in rg hubeysan ay weerar ku qaadeen xarunta Dusti, ee degaanka Riverside, degmada Westlands, islamarkaana raggii weerarka soo qaaday ay ku jiraan gudaha dhismahaasi.

"Waxaan ka xunahay inaan xaqiijinyo in koox hubeysan ay weerareen Dhismaha Dusti, waa weerar argagaxiso, waxaa ka jawaabey ciidamada amaanka oo goobta xiray, iyagoo isku dayaya inay xaaladda caadi kusoo celiyaan," ayuu yiri Taliyaha.

Weerarka waxa uu billowday 3 p.m. [Sagaal saac galabnimo] waqtiga geeska Africa, waxaana uu ku billowday qaraxyo albaabka dhismaha ka dhacay, iyadoo ay xigtay rasaas xoog leh oo la maqlay.

Goobjooge ayaa sheegay inuu arkayay afar nin oo hubeysan oo gudaha u galaya dhismaha Dusti.

Taliyaha Booliska Kenya ayaa xaqiijiyay inay jiraan dhaawacyo soo gaarey dhowr qof, islamarkaana hadda dadka kasoo baxaya gudaha xarunta ay ciidamada ku baarayaan, si looga hortago in dableyda ay isku soo dhex-qariyaan.
 
Mid kamid ah ragga weerarka soo qaadey ayaa la sheegay in labo jeer uu booqday goobta maanta lagu duuley, iyadoo Kooxda Al-Shabaab ay sheegatay mas'uuliyadda dhacdadan oo lagu soo beegay sanad guuradii 3aad ee weerarkii Ceel-Cadde.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Hichilema oo mar kale ku guuleystay doorashada Zambia, mucaaradkana oo natiijada dacwad ka gudbinaya

Mundubile ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in natiijada doorashadu aysan “si dhab ah uga tarjumayn wixii ka dhacay doorashadan”.

  • Afrika

    19-08-2026

  • 06:03AM

Abiy Axmed: Itoobiya waxay noqotay maxbuus juqraafiyeed 

Itoobiya ayaa badeedii waysay markii Eritrea go'day 1993, iyadoo tallaabadaasi ay hadda ka shaleynayaan madaxda talada haysa.

  • Afrika

    14-08-2026

  • 12:10PM