Tobanaan ku dhimatay shil diyaaradeed oo ka dhacay Suudaan

Image

KHARTUUM, Sudan – Diyaarad uu lahaa milatariga dalka Suudaan oo Khamiistii burburtay waxyar kadib markii ay kasoo duushay garoonka diyaaradaha ee ismaamul goboleedka Galbeedka Darfur ayaa dishay 18 ruux.

Afhayeen u hadlay ciidanka, Amer Maxamed Al-Xasan, ayaa bayaan ku sheegay in diyaaradda nooceedu ahaa Antonov 12 ayna soo dhacday shan daqiiqo kadib markii ay ka kacday madaarka El Geneina.

"Shan kamid ahaa shaqaalaha, saddex garsoore, iyo sideed muwaadiniin oo ay ku jiraan afar caruur ayaa ku dhimatay shilka," ayuu raaciyey.

Baaritaan ku saabsan qaabka uu shilka u dhaca ayaa la bilaabay, sidda ku cad war-saxaafadeedka kasoo baxay xafiiska Al-Xasan.

Diyaaradda ayaa gargaar caafimaad u wadday magaaladda El Geneina, oo ah caasimadda ismaamul goboleedka Galbeedka Darfur.

Al-Xasan oo tacsi u diray eheladda dadka dhintay ayaa tilmaamay in dhamaan kuwa geeriday ay saarnaayeen diyaaradda.

El Geneina ayaa horey u martigelisay isku dhacyo qabiil si gaar ah maalmihii lasoo dhaafay, waxaana la sheegay in ay ku naf-waayeen tobanaan qof oo badankooda lagu tilmaamay in ay ahaayeen shacab dadka degaanka ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM