Tobanaan lagu dilay weerar ay Al-Shabaab ka fulisay Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Tirro dad ah ayaa laga cabsi qabaa in ay ku naf-waayeen markii xubno Al-Shabaab ah ay weerareen Bas ay saarnaayeen oo ku socdaalayey inta u dhaxeysa Kutulo iyo Wargadud oo Wajeer ka tirsan.

Gaariga rakaabka ayaa lagu waramayaa in uu kusii jeeday magaaladda Mandera ee Waqooyi Bari dalka Kenya.

Taliska booliska ismaamulka Wajeer oo dhacdada ayaa xaqiijiyey ayaa ka gaabsaday tiradda dhimashadda guud.

"Ciidamadda gaarka ah ayaa loo daabulay meesha ay wax ka dhaceen," ayuu raaciyey Stephen Ng'etich, afhayeenka booliska.

Sidda uu baahiyey wargeyska Daily Nation, baska Madina ayaa waxaa la beegsaday abeere shantii galabnimo, xiliga Geeska Afrika.

Weerarkaan ayaa kusoo aadaya bilooyin kadib markii ay Al-Shabaab beegsatay saldhiga booliska Dadajabula ee ismaamulka Wajeer.

Sidda laga soo xigtay laamaha ammaanka, ujeedka gulufkaas ayaa ahaa in Al-Shabaab ay ku furato saldhiga xubno kaga xirnaa.

Hay'adda Mukhaabaraadka Kenya ayaa dhowaan shaaca ka qaadey in xadka Soomaaliya ay soo buux-dhaafiyeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, wallow ay ka gaabsadeen suurtogalnimadda weeraro ay qorsheynayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM